4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 24, 2011
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan duqeyntii shalay loo geystay Kismaayo iyo cabsi ka jirta Magaalada

Isniin, Oktoobar 24, 2011 (HOL) — Cabsi aad u xoogan ayaa lasoo darastay shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo, xilli ay diyaarado dagaal shalay duqeeyeen goobo katirsan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Diyaarado nooca dagaal oo loo yaqaan Miiga, ayaa shalay duqeymo ka geeystay afaafka hore ee marsadda caalamiga ah ee magaalada Kismaayo, iyadoona la sheegay in duqeymahaasi aysan geysan wax qasaaro sidaa u weyn.

Guddoomiyaha gobollada Jubooyinka Sheekh Abuukar Cali Aadan ayaa warbaahinta u sheegay in diyaaradaha wax duqeeyay ay lahayd dowladda Kenya, isagoona sheegay in aysan jirin habayaraatee wax qasaaro ah oo ay geysteen duqeymihaasi.

Guddoomiyaha oo ka hadlay idaacadda afka shabaab ku hadasha ee Andalus, ayaa sheegay in Duqeynta ay diyaaraduha ka geysteen magaalada Kismaayo ay muujineyso wax uu ku tilmaamay tallaabo fuleynimo ah oo uu sheegay in ay Kenya ku dooneyso in ay ku xasuuqdo shacabka Soomaaliyeed.

Inkastoo Xarakada Alshabaab ay duqeymahaasi ku eedeysan dowladda Kenya, ayaa hadana waxa arintaasi beeniyay afhayeenka dhinaca millitariga dowladda Kenya Emmanuel Chirchir, kaa oo sheegay in dowladda Kenya aysan wax lug ah ku lahayn duqeyntii shalay ka dhacday magaalada Kismaayo, balse laga yaabo in ay geysteen wadamada isbaheysiga kula ah dagaallada ay kula jiraan Shabaab.

Mid kamid ah dadka degan xaafadda Mariina oo kamid ah goobaha ay duqeymaha ka dhaceen ee magaalada Kismaayo ayaa HOL u xaqiijiyay in gantaalladii ay tuurtay diyaaradiii duqeysay afaafka hore ee dakadda, ay ku dhaceen buuraha ku yaal meesha loo yaqaan indhobararka ee dakadda iriddeeda ah, waxaana uu sheegay in uusan arkin cid kale oo wax ku noqotay, marka laga reebo wiil yar oo uu sheegay in uu ari ku raacayay goobtaasi oo uu dhaawac kasoo gaaray duqeynta, kaasoo loola cararay isbitalka.

"Magaalada maanta aad ayaa loo hadal hayaa duqeyntii shalay, iyadoona dadka ay is weydiinayaan tallabada tan xigi doonta, waxaana jiro cabsi ballaaran oo shacabka soo foodsaartay," ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo magaciisa qariyay.

Dadka ka agdhow goobaha ay daganyihiin ciidamada sida saldhigga, ayaa iyagu bilaabay in ay halkaasi isaga guureen, iyagoo ka baqaya in ay bartilmaameedsadaan diyaaradaha wax duqeeya.

Dhanka kale dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan ayaa waxa laga dareemayaa nawaaxiga degmada Afmadow ee gobolka J/hoose, kadib markii ciidamada dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni iyo militariga dalka Kenya oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo taangiyo dagaal ay soo dageen meel waxyar u jirta degmada Afmadow. Xoogaga Alshabaab ayaa halkaasi ka wada diyaargarow aad u xoogan, iyadoona degmada Afmadow ay soo buuxdhaafiyeen gurmadyo xarakada Alshabaab uga yimid gobollada ay maamulaan ee dalka Soomaaliya.

Saraakiisha dhanka ciidamada ee dowladda Kenya ayaa sheegay in ay weerar ku qaadayaan fariismaha ay Alshabaab ku leeyihiin degmada Afmadow oo iyadu ah magaalo muhiim u ah isu socodka gaadiidka isaga kala goosha gobollada Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya