4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 18, 2011
Ammaannka Nairobi oo la adkeeyay, kadib hanjabaadihii Alshabaab

Talaado, October 18, 2011(HOL) Nairobi , Kenya - Ammaanka Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa sare loo qaaday, iyadoo laga cabsi qabo weeraro ka yimaada xarakada Alshabaab oo ku hanjabtay inay weerari doonto magaalooyinka Kenya , kadib markii ay Kenya ciidamadeeda ka gudbeen xadka, iyagoo baadi goobaya dagaal yahanada Alshabaab.


Taliyaha ciidamada booliska ee Nairobi  Antony Kibuchi ayaa u sheegay warbaainta maxalliga ah inay sare u qaadeen ammaanka, isla markaana heegan la galiyay  dhammaan qaybaha kala duwan ee ciidamada ammaanka.


Waxaa kale oo uu sheegay inay siyaadiyeen sir doonka si loo helo macluumaad dheeraad ah oo ku aadan cid walba oo qorsheynaysa weerar ka dhan ah muwaadiniinta Kenya.

 

 “Waxaa jira hanjabaado nooga imaanaya Alshabaab, waxaan ka codsanayaa dadweynaha Nairobi  inay feejignaadaan oo ay u  soo gudbiyaan  xarumaha booliiska wixii war ah ee ku saabsan waxyaabaha shakiga dhalin kara“.  Ayuu yiri Mr. Kibuchi.

 

Dadweyanaha ayaa loo soo gudbiyay inay soo garaacaan nambarrada gurmadka degdegga ah hadii ay dareemaan wax ay ka shakiyaan amaba cabsi soo food-saarta.

 

Waddanka oo dhan ayaa cabsi laga dareemayaa tan iyo markii uu afhayeenka Alshabaab Shiekh Cali Maxamuud Raage ku hanjabay inuu bartilmaameedsan doono magaalooyinka Kenya oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo nabdoon oo uu ka socdo ganacsi ballaaran, islamarkaana laga dhisay dabakhyo dhaadheer.

 

Dagaalka Kenya ay ku qaaday xarakada Alshabaab ayaa ah mid kala qaybsanaan ka dhaliyay gudaha dadka Kenyanka ah, iyagoo aaminsan in galitaanka Soomaaliya uu dhibaato u soo jiidi karo ammaanka dalkooda, halka qaar kalana ay  ku doodayaan inay tahay masuuliyadda dawladda difaacitaanka qaranka, gaar ahaana in laga hortago afduubyada ka bilowday Kenya ee lagu eedeeyay xarakada Alshabaab.


Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya