4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 18, 2011
Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo Muqdisho ka dhacay

Talaado, October 18, 2011(HOL): Qarax geystay dhimashada 3 ruux iyo dhaawaca dad kale oo aad u badan ayaa wuxuu goor dhaweyd ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimadda u ah Dalka Soomaaliya.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa wuxuu ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Zoope oo ku dhow xarunta Wasaaraddii Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, waxayna ahayd meesha qaraxa ka dhacay meel ay dad badan ku sugnaayeen.

Seddexda ruux ee geeriyootay ayaa waxay ahayd dad ku sugnaa meel u dhow halka uu qaraxa ka dhacay, iyadoo dadka dhaawacmayna ay la socdeen mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee waddadaas ka shaqeeya. Gaariga qarxay ayaa wuxuu qeybta dambe kaga dhacay gaadiidka dadweynaha ee ay dadka dhaawacmay saarnaayeen, taasina waxay keentay in badan ay dhaawacmaan.

Gaariga qaraxa lagu fuliyay ayaa wuxuu muddo saacado ah yaallay halka uu ku qarxay, wuxuuna noqonayaa qaraxii seddexaad oo muddo bil gudaheed ah ka dhaca magaalada Muqdisho. 4tii bishan ayay ahayd markii qaraxa xooggan oo ay dad badan ku dhinteen kuna dhaawacmeen uu ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan iridka Xarunta Wakaaladdii Hargaha iyo Saamaha oo xarumo u ah Wasaaraddo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya. Qarixii labaadna wuxuu ahaa mid lala beegsaday saldhig ay Muqdisho ku leeyihiin Ciidamada Amisom.

Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa goobta qaraxa ka dhacay soo gaaray, kuwaasi oo xiray nawaaxiga halka qaraxa ka dhacay, iyadoo xiisadda halka qaraxa ka dhacay ay aad u kacsan tahay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya