7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 18, 2011
Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo isu garabsanaya la dagaallanka Al-Shabaab


Talaado, October 18, 2011(HOL): Dowladda Soomaaliya iyo Kenya ayaa isu baheysanaya la dagaallanka kooxda Al-Shabaab, iyadoo maanta ay Muqdisho booqdeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga ee Dowladda Kenya.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga Kenya Moses Watangula iyo Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa booqasho ku tegay  Magaalada Muqdisho, waxayna kulamo la qaateen Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif, Ra’iisal Wasaaraha C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka  Shariif Xasan Shiikh Aadan. Sidoo kalena waxay wasiirradan la kulmeen Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom.

Kulankaas kaddib ayaa Muqdisho shir jaraa’id oo wadajir ah ku qabtay Wasiirrada Kenya ka socday Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xuseen Carab Ciise, waxayna ka hadleen waxyaabihii ay ka wada hadleen oo ay isku af-garteen.

Wasiirka Gaashaanshigga Soomaaliya Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Soomaaliya ay iska kaashanayaan la-dagaalanka Al-shabaab, isagoo xusay in hadda ay ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay Al-Shabaab kula dagaallamayaan deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji oo isna shirka jaraa’id ka hadlay ayaa wuxuu  sheegay in Dowladda Kenya ay dhinaca tababarka iyo logis-tikada ka taageereyso ciidamo Dowladda Soomaaliya oo horay loogu soo tababaray gudaha Kenya, wuxuuna ka gaabsaday in uu caddeeyo in ay gudaha Soomaaliya ku sugan yihiin Ciidamo ka socda Dowladda Kenya.

Hadalka Wasiir Maxamed Yuusuf Xaaji ee ah in aaney Ciidamo Kenyan ah ku sugneyn Soomaaliya ayaa wuxuu ka hor-imaanayaa hadal ay sii daayeen Ra’iisal Wasaaraha Kenya Raila Odinga iyo Afhayeenka Xukuumadda Kenya Alfred Mutuwa, kuwaasi oo sheegay in Ciidamo Kenyan ah ay ku sugan yihiin gudaha Kenya, ayna la dagaallamaan kooxda Al-shabaab.


Deegaanka Qooqaani ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa laga soo sheegayaa ciidamo Kenyan ah oo gaadiidka dagaalka ku hubeysan, kuwaasi oo dhaqdhaqaaqyadooda ay hakiyeen roob ka da’ay deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Moses Watangula oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in Dowladda Kenya uu xil ka saaran yahay adkeynta ammaanka xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, wuxuuna caddeeyay in labada dowladood ay iska kaashanayaan la-dagaallanka kooxda Al-shabaab.

Wasiirrada ka socday Kenya ayaa markii ay kulamadaas dhameysteen kaddib waxay dib ugu noqdeen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo ay markii hore ka soo amba baxeen.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya