3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 18, 2011
Wariye Faarax Blue oo loo doortay xubin ka mid ah guddiga fulinta saxafiyiinta caalamiga ah ee FCA

Talaado, October 18, 2011(HOL) Nairobi , Kenya - Saxafiga Soomaaliyeed  ee Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)  ayaa xubin ka noqday guddiga Saxafiyiinta ajaanibta ah ee ka shaqeeyay dalalka bariga iyo bartamaha Africa ee Foreign Correspondents’ Association of East Africa (FCA).

Farah Blue
   Faarax Maxamed  Cali    
         (Faarax Blue) 

Doorashadii Khamiistii ka dhacday Hotelka Palacina ee magaaladda Nairobi ayaa waxaa  8 xubnood ee guddiga fulinta u tartamay 12 saxafi oo caalami ah oo uu jiray Faarax Blue oo ah wariyaha dhanka ciyaaraha ee shabakadda Hiiraan Online, halka jagada la-guddoomiyaha (Co-chair)  ay u tartameen laba saxafi David McKenzie oo u shaqeeya CNN iyo Sarah McGregor oo u shaqeysa wakaaladda wararka ee Bloomberg oo labaduba ku guuleystay jagadaas.

Madaama guddiga fulinta ee FCA uu ka koobnaan doono 8 xubnood waxaa wariyaashii la doortay ay kala yihiin, Sarah McGregor, Bloomberg News, (La-guddoomiye), David McKenzie, CNN, (La guddoomiye), Carolyn Dunn, Canadian Broadcasting Corporation  (Xubin),  Robyn Kriel -  South African Broadcasting Corporation (Xubin), Michael Logan, German Press Agency (Xubin), Faarax Blue (Xubin), Robert Oluoch (Xubin) iyo Kezziah Wangui
 
Ururkan ayaa waxaa xubno ka ah 200 oo saxafiyiin caalami ah oo dhamamantood  ka howlgala dalalka Bariga iyo Bartamaha Africa, wuxuuna inta badan ka shaqeeyaa difaacista xuquuqda saxafiyiinta caalamiga ah ee ka diiwaan gashan xaafiiska FCA, isagoo sidoo kale ka talo bixiya arrimaha horumarinta saxaafadda iyo is dhexgalka saxafiyiinta caalamiga ah ee degan Kenya.

“Sababta aan u xiiseynayo inaan ku biiro guddiga filinta ee FCA waxay tahay inaan wada shaqeyn ka dhex abuuro saxafiinta Soomaaliyeed iyo kuwa caalamiga ah  ee doonaya inay ka shaqeeyaan Soomaaliya, waayo waxay inta badan ku dhibtoodaan wararka saxda ah ee Soomaaliya iyo  safaradda ay ku tagayaan gudaha Soomaaliya,  sidaa daraadeed waxaan diyaarinayaa qorsheyaal badan oo wax tart u leh labada dhinac” ayuu yiri Faarax Blue oo goobta doorashadu ka dhacday ka aqriyay waxyaabaha uu qabanayo haddii la doorto.

“Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan wariyaashii codkooda i siiyay gaar ahaan saxafiyiinta Soomaaliyeed oo igu taageeray qorshaheyga iyo ka mid noqoshada FCA” ayuu Faarax Blue ku soo daabacay darbiga ciiwaankiisa shabakadda facebook kaddib guusha uu ka gaaray doorashii dhacday.

Ku dhawaad 20 saxafi oo Soomaali ah ayaa xubno ka ah ururkan, waxaana Faarax Blue uu noqonayaa saxafigii ugu horeeyay oo Somali ah oo guddiga fulinta FCA ku biiray.

Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya













Click here
10/18/2011 11:48 AM EST
Ammaanka Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa sare loo qaaday, iyadoo laga cabsi qabo weeraro ka yimaada xarakada Alshabaab oo ku hanjabtay inay weerari doonto magaalooyinka Kenya , kadib markii ay Kenya ciidamadeeda ka gudbeen xadka, iyagoo baadi goobaya dagaal yahanada Alshabaab.

10/18/2011 11:18 AM EST
Golaha wasiirrada ee dalka Kenya oo maanta isugu yimid shir degdeg ah ayaa si aan qarsoodi lahayn u taageeray weerarka ay Kenya ku tilmaantay inuu yahay mid ay ku bartilmaameedsanayso xarakada Alshabaab oo ay ciidamadeedu ku galeen gudaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

10/18/2011 9:51 AM EST
Talaado, October 18, 2011(HOL): Qarax geystay dhimashada 3 ruux iyo dhaawaca dad kale oo aad u badan ayaa wuxuu goor dhaweyd ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimadda u ah Dalka Soomaaliya.

10/18/2011 9:51 AM EST
Talaado, October 18, 2011(HOL): Dowladda Soomaaliya iyo Kenya ayaa isu baheysanaya la dagaallanka kooxda Al-Shabaab, iyadoo maanta ay Muqdisho booqdeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga ee Dowladda Kenya.

10/18/2011 7:31 AM EST
Talaado, Oktoobar 18, 2011 (HOL) — Dagaalyahanada badan oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa buuxiyay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose, iyadoo dadkii ku noolaa ay bilaabeen inay degmadaas uga baxaan sababo cabsi dagaal ah awgood.

10/18/2011 7:22 AM EST
Talaado, Oktoobar 18, 2011 (HOL) — Sheekh Xasan C/llaahi Xirsi (Sheekh Xasan Turki) oo ka mid ahaa saraakiisha ururka Raaskambooni oo xiriir la leh hadda dowladda KMG ah ayaa sheegay in ururkaas uu ula mid yahay dalalka cadowgooda ah sida Kenya.

10/18/2011 7:17 AM EST
Talaado, Oktoobar 18, 2011 (HOL) — Wasiirrada arrimaha dibada iyo gaashaandhigga dalka Kenya Moses Watang'ula iyo Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa ku sugan Muqdisho, iyagoo kulammo kula leh xarunta madaxtooyada Soomaaliya madaxweyne Sheekh Shariif.

10/18/2011 7:09 AM EST
Talaado, Oktoobar 18, 2011 (HOL) — Iyadoo ay isa soo tarayaan Deeqaha lacageed ee soo gaaray deegaanka iyo weliba howlaha loogu gurmanayo dadka ay waxyeelada ka soo gaartey dhibaatooyinka Abaaraha ee ka taagan Gobolka ayaa maalmahii ugu dambeeyey Deeq lacageed oo ka timid Jaaliyada Soomaalida ee Dalka Masar,gaar ahaan kuwooda degan Magaalada Qaahira ayaa waxaa Raashin Gargaar ah loogu iibiyey Qoysas ku dhibaateysan Kaamamka Barakacayaasha ee ku yaala daafaha Magaalada Baardheere.

10/18/2011 4:03 AM EST
Talaado, Oktoobar 18, 2011 (HOL) — Afhayeenka Xarakada Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa ugu baaqay dowladda Kenya inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, haddii kale ay beegsan doonaan.

10/18/2011 3:54 AM EST
Talaado, Oktoobar 18, 2011 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga dalka Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji oo saxaafadda dalkiisa la hadlay ayaa sheegay in ciidamadooda ay ku jiraan gudaha Soomaaliya, isagoo sheegay inaysan raalligelin ka bixinayn faragelinta ay ku sameeyeen Soomaaliya.

10/18/2011 3:48 AM EST
Taalado, Oktoobar 18, 2011 (HOL) — Maxkamada gobolka Saaxil ayaa dacwad lagu soo oogay Badhasaabka gobolka Saaxil Maxamuud Cali Hayste (Ramaax) iyo Maareeyaha dekeda Berbera Axmed Yuusuf Dirir iskaga leexiyey maxkamada sare.

10/18/2011 3:38 AM EST
Talaado, Oktoobar 18, 2011 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha dalka Kenya, Raila Odinga ayaa sheegay markii ugu horreysay in ciidamadooda ay u galeen gudaha Somalia sidii ay ula dagaalami lahaayeen Xarakada Al-shabaab oo uu ku sheegay koox Argagaxiso ah.