4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 18, 2011
Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo buuxiyay degmada Afmadow si ay ula dagaalamaan ciidamada Kenya

Talaado, Oktoobar 18, 2011 (HOL) — Dagaalyahanada badan oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa buuxiyay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose, iyadoo dadkii ku noolaa ay bilaabeen inay degmadaas uga baxaan sababo cabsi dagaal ah awgood.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Afmadow ayaa sheegay in dagaalyahada Al-shabaab ay isku diyaarinayaan inay ka hortagaan qorshey ay ciidamada DKMG ah, Raaskambooni iyo ciidamada Kenya ay ku qabsadaan degmadaas.

"Degmada Afmadow waxay hadda gacanta ugu jirtaa Al-shabaab, waxayna gudaha magaalada ka qodanayaan dhufeyso ay doonayaan inay degmada ku difaacdaan," ayuu Xuseen Cismaan Rooble oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.

Xuseen Rooble, wuixuu sheegay in dadkii ku noolaa degmada Afmadow ay tan iyo shalay ka qaxayeen degmada iyagoo kusii jeeda deegaanka Dhoobley, si ay uga badabadaan haddii ay dagaallo ka dhacaan degmada.

Ciidamada Kenya ayaa waxay gudaha Soomaaliya soo galeen tan iyo horraantii todobaadkan kaddib markii Khamiistii lasoo dhaafay laga afduubay deegaanka Dhoobley oo ay ku yaallaan xeryo qoxooti oo ay ku jiraan dad fara badan oo Soomaali ah laba haween ah oo u dhashay dalka oo u shaqeynayay MSF.

Jen. Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo ka mid ah saraakiisha dowladda KMG ah ayaa sheegay in qorshuhu yahay in Al-shabaab laga qabsado degmada Kismaayo, inta taasi ay ka dhacaysana ay dagaalladu socon doonaa.

Sheekh Xasan Turki ayaa isaguna ugu baaqay dhammaan dagaalyahanadooda iyo shacabka inay ka hortagaan wuxuu ugu yeeray duullaanka Kenya ay kusoo qaadday dhulka barakeysan ee Soomaaliya iyo diinta Islaamka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya