4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 18, 2011
Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga Kenya oo Muqdisho shir kula leh Madaxweynaha Soomaaliya

Talaado, Oktoobar 18, 2011 (HOL) — Wasiirrada arrimaha dibada iyo gaashaandhigga dalka Kenya Moses Watang'ula iyo Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa ku sugan Muqdisho, iyagoo kulammo kula leh xarunta madaxtooyada Soomaaliya madaxweyne Sheekh Shariif.

Inkastoo saxaafadda loo diiday inay goobjoog ka noqoto kulanka ayaa haddana wararku waxay sheegayaan in kulanka looga hadlayo intiisa badan faragelinta ay dowladda Kenya ku sameysay Soomaaliya.

Wasiirrada ka socda Kenya ayaan la hadlin saxaafadda, waxaana imaanashahooda uu kusoo beegmayaa xilli ay boqolaal askarta Kenya ka mid ah ay kasoo tallaabeen soohdinta ay Soomaaliya iyo Kenya ka wadaagaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa weli si faahfaahsan uga hadlin faragelinta ciidan ee ay Kenya ku sameysay gobollada Koonfureed ee dalka Soomaaliya, iyadoo mas'uuliyiinta Xarakada Al-shabaab ay ugu habjabeen Kenya inay beegsan doonaan haddi ay ciidamadeeda kala bixi waydo dhulka Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhigga Kenya ayaa Sabtidii todobaadkan shir jaraa'id oo uu ku qabtay Nairobi ku sheegay in dowladda Kenya ay kula dagaalamayso gudaha Soomaaliya Xarakada Al-shabaab kaddib markii uu ku eedeeyay inay falal nabadgalyo xumo ah kawaddo dalkooda.

"Ciidamadeena waxay ku jiraan gudaha Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Al-shabaab, mana jirto wax raalli-gelin ah oo aan faragelinta ka bixinayno," ayuu Yuusuf Xaaji u sheegay warbaahinta dalka Kenya.

Waa markii ugu horeysay oo dowladda Kenya ay masaafo ka badan 100-km gudaha u gasho dalka Soomaaliya tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe 1991-kii, waxaana Kenya ay sheegtay inay la dagaalamayso kooxo caqabad ku ah nabadda gobolka Bariga Afrika.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya