7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 18, 2011
Afhayeenka Xarakada Al-shabaab oo ku goodiyay inay weerarayaan Kenya haddii aysan ciidamadooda la bixin

Talaado, Oktoobar 18, 2011 (HOL) — Afhayeenka Xarakada Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa ugu baaqay dowladda Kenya inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, haddii kale ay beegsan doonaan.

Dowladda Kenya oo ku eedeysay Al-shabaab inay mas'uul ka tahay afduubyo is-xigay oo ka dhacay deegaannada ku dhow xuduudda ay wadagaaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa boqolaal ciidamadeeda ka tirsan oo wata gaadiid dagaal soo gelisay gobollada Koonfurta Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Al-shabaab.

"Kenya dagaalka innaga ayaa uga aqoon roon, dagaal waa dhiig daata, burbur iyo hoos u dhac dhinaca dhaqaalaha ah," ayuu yiri afhayeenka xarakatul Shabaab Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in haddii Kenya ay ciidamadeeda kala bixi waydo Soomaaliya ay beegsan doonaan dalkooda, isagoo sheegay in looga baahan yahay inay weydiiyaan dhibaatada uu dagaalku leeyahay shacabka Uganda oo dad badan looga dilay qaraxyo.

"Shacabka Kenya waxaa inay u sheegaan xukuumaddooda iyo siyaasiyiintooda inaan dagaalka la hurin, taasoo sababi karta in la kala gooyo Kenya iyo in la burburiyo," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenka Al-shabaab ayaa sidoo kale yiri: "Guryihiinna dhaadheer ee Kenya ku yaalla way burburayaan, goobihiinna dalxiiska waxay noqon doonaan kuwo maran. Waxaana idinku sameyn doonnaan wixii aad nagu sameyseen wax la mid ah."

Xukuumadda Kenya ayaa rumeysan in dalka Soomaaliya lagu soo abaabulay qaraxyo lagu burburiyay safaaradii Mareykanka ee dalka Kenya sannadkii 1988-kii, iyadoo ay xilligaas dhinteen in ka badan 200-qof oo Kenyan u badan.

Sheekh Xasan C/llaahi Xirsi (Sheekh Xasan Turkey) oo isaguna saxafadda kula hadlay Kismaayo ayaa sheegay in duulaanka Kenya uu yahay mid ballaaran oo lagu doonaayo in lagu burburiyo diinta Islaamka, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed rag iyo dumar inay waaajib ku tahay inay ka qaybgalaan dagaalka lagu difaacayo diinta Islaamka.

Ugu dambeyn afhayeenka Al-shabaab wuxuu sheegay inay Kenya ka sugayaan Jawaab, markaas kaddibbna ay talalabo qaadi doonaan, isagoo sheegay in Kenya ay ugu baaqayaan inay sida ugu dhaqsiyaha badan ugala baxdo ciidamadeeda gudaha Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya