4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 18, 2011
Khilaafka ka dhashay cida maamuulaysa Jaamacada Berbera oo gaadhay heer maxkamada gobolka la iska dacweeyo

Taalado, Oktoobar 18, 2011 (HOL) — Maxkamada gobolka Saaxil ayaa dacwad lagu soo oogay Badhasaabka gobolka Saaxil Maxamuud Cali Hayste (Ramaax) iyo Maareeyaha dekeda Berbera Axmed Yuusuf Dirir iskaga leexiyey maxkamada sare.

Dacwadan ka dhanka labada masuul oo muddo ka socotay xarunta gobolka Saaxil ee Berbera, ayaa waxa labadan masuul ku soo oogay guddoomiyihii hore ee jaamacada Berbera, iyadoo sheegtay in sifo sharciga ka baxsan la gala wareegay jaamacada.

Garyaqaankii udoodayay labada masuul ee ay dacwadani ku Oogayeen gudiddii jaamacadau ayaa garyaqaanka guud ee qaranka Somaliland Ibraahin Iidle, waxaanu ku dooday in maxkamadu aanay qaadi karin dacwadan maadaama oo ay tahay dacwad maamul.

Waxa isna gartiisa dhiibtay Garyaqaanka u doodayey guddidii hore ee jaamacada laga wareejiyey Garyaqaan: Maxamuud Cabdiraxmaan Nuur balse nasiib-darro maxkamadu waxba kama soo qaadin.

Gudoomiyaha maxkamada gobolka Berbera Cismaan Ibraahin Daahir (Fanax) ayaa isna soo jeediyey in aanu dacwadan qaadi karin, isagoo adeegsanaya qodobadan kala ah 7aad XNG iyo qodobka 8aad XHM Oo aan midkoodna awood Siinayn inay maxkamada gobolka qaadi karto dacwadan maamul.

"Maxkamada gobolka Saaxil markay aragtay qodobada 10XNG iyo qodobadka 10-aad XHM oo labaduba sheegay in dacwadaha Arimaha maamulka ay awoodeed leedahay lagana furan karo maxkamada sare Jamhuuriyada Somaliland oo kaliya" ayuu yidhi guddoomiyaha maxkamada gobolka.

Maxkamadu waxay diiday arjiga dacwad furashada ee dacwootada iyo qareenkeeda waxaanay Faraysaa inay maxkamada awooda u leh arimaha maamulka ay ka furtaan, waxa kale oo uu intaa Ku daray gudoomiyaha maxkamada gobolka Saaxil in ay maxkamadu ogolaatay arjiga Jawaab Celinta garyaqaanka guud ee qaranka oo ah qareenka dacweysanayaasha oo kala ah Gudoomiyaha gobolka saaxil Maxamuud Cali Hayste(Ramaax) iyo maareeyaha dekeda berbera Axmed Yuusuf Dirir.

Guddoomiyihii jaamacada Berbera Faadumo Siciid ayaa sheegtay inay ka xuntahay in guddoomiyaha maxkamada iska leexiyo qaadista dacwadan, waxaanay sheegtay in qalabkii jaamacada lahayd dano gaar ah looga faa’iidaystay, isla markaana dad masuuliyiin ahi qalabkii jaamacadu lahayd dhigteen meelo ay iyagu leeyihiin.

Arrintan ayaa muddo soo taxnayd, waxaana khilaafkani ka yimid ka dib markii Jaamacada Berbera oo lagu barto culuunta Badda ay aasaaskeeda iyo hirgalinteeda ka dambaysay Faadumo Siciid, iyadoo la kaashanaysa qurbojooga dalka, waxaana loo sameeyey guddi maamusha jaamacada oo ay iyadu guddoomiye u tahay.

Si kastaba ha ahaatee, guddoomiyaha gobolka Saaxil Mr: Ramaax ayaa xilkii ka wareejieyy guddidii maamulaysay, isla markaana guddi cusub u magacaabay jaamacada, taasina ay keentay khilaafkan maraya in maxkamada gobolka la iska dacweeyo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland