7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 18, 2011
Ra'iisul wasaaraha Kenya oo sheegay in ciidamadooda ay u galeen Somalia si ay ula dagaalamaan Al-shabaab


Talaado, Oktoobar 18, 2011 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha dalka Kenya, Raila Odinga ayaa sheegay markii ugu horreysay in ciidamadooda ay u galeen gudaha Somalia sidii ay ula dagaalami lahaayeen Xarakada Al-shabaab oo uu ku sheegay koox Argagaxiso ah.

Mr. Odinga wuxuu sheegay in dowladdiisu ay go'aankan qaadatay markii dunidu soo dhaweysay go'aankooda ah inay ciidamadooda u tallaabaan Soomaalia, sidoo kalena ay dalalka gobolku soo dhaweeyeen go'aankan.

"Xarakada Al-shabaab waxay khatar muuqata ku tagay dalalka gobolka iyo dunida oo dhan. Waxay isku dayeen inay soo weeraraan dalkeenna, taasoo walaac weyn nagu dhalisay," ayuu yiri Odinga oo intaas raaciyay: "Faragelinta aan ku sameynay Soomaaliya ma ahan mid waxyeello u geysanaysa madaxbannaanida dalka aynu dariska nahay ee Soomaaliya."

Ra'iisul wasaaraha Kenya, wuxuu sheegay in Somalia aysan ka jirin madaxbannaani la sheegi karo - maxaa yeelay kama jirto dowlad awood leh oo sugi karta ammaanka guud ee dalka Soomaaliya.

"Ciidamadeenu waxay ku sugan yihiin deegaannada ku dhow soohdinta ay Kenya iyo Soomaaliya wadaagaan, goobahaas oo ay horay u maamuli jirtay Al-shabaab waxayna ka baxeen markii ay ciidamadeennu gudaha u galeen Soomaaliya," ayuu Odinga ku daray hadalkiisa.

Ra'iisul waasaraha Kenya ayaa sheegay inay ka go'an tahay inay ka sifeeyaan gobolka Xarakada Al-shabaab, isagoo dunida ugu baaqay inay dalkiisa gacan ku siiyaan sidii ay howshan ugu guuleysan lahaayeen.

Xukuumadda Kenya ayaa horay ugu eedeysay Al-shabaab inay afduubyo dhowr ah ka geysteen dalkooda, inkastoo afhayeen u hadlay kooxdan uu sheegay inaysan wax lug ah ku lahayn afduubyada ka dhacaya dalka Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah shaaca uga qaadin in ciidamada dalka Kenya ay gudaha u soo galeen dalka Soomaaliya, iyadoo afhayeenka xukuumadda uu sheegay in Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen sidii ay uga wada-shaqeyn lahaayeen ammaanka dalalkooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya