Madaxweynaha DKMG ah oo booqday aagagga ay ciidamada DKMG ah iyo AMISOM kaga sugan yihiin Muqdisho
Arbaco, Maarso 09, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta socod qaatay muddo saacado ah ku tagay aagagga ay degmooyinka Hodan, Holwadaag iyo Wardhiigley kaga sugan yihiin ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM, isagoo socdaalkiisa markii uu dhammaaday la hadlay saxaafadda.
Goobaha uu booqday madaxweyne Sheekh Shariif ayaa waxaa ka mid ah carwadii hore, warshadii koka-kola iyo xaafadda Siigaale oo ku yaalla degmada Hodan, sidoo kale wuxuu booqday xaafado ay ka mid tahay Barmuuda iyo xaafadaha ku yaalla daadagga sayidka ee degmada Howlwadaag.
Sidoo kale, madaxweynaha oo socdaalkiisa ay ku wehliyeen xubno ka tisran aqalka madaxtooyada iyo saraakiisha ciidamada dowladda ayaa booqday xaafado ka tirsan degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.
"Fursad weyn ayay ii ahayd inaan maanta tago jiidda hore ee ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, aana arko horumarka ay dagaalada ka gaareen," ayuu yiri Sheekh Shariif oo saxaafada la hadlay markii ay booqshadiisu dhamaatay.
Madaxweynaha ayaa hadalka uu siiyay saxaafadda ku sheegay inuu tacsi u dirayo ehellada iyo dowladaha ay kasoo jeedaan askartii AMISOM ee ku dhintay dagaalladii labadii toddobaad ee lasoo dhaafay ka dhacay Muqdisho.
"Waxaan u tacsiyeynayaa dalalka AMISOM iyo qoysaskii ay ka dhasheen askartii lagu dilay dagaalladii ka dhacay Muqdisho, waxaana uga mahadcelinayaa dalalka iyo qoysaskaas sida ay wiilashooda ugu ogolaadeen inay dhididkooda iyo dhiiggooda u bixiyaan sidii ay nabadda Soomaaliya u soo celin lahaayeen," ayuu yiri Shariif.
Ugu dambeyn, Sheekh Shariif wuxuu shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay taageeraan ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM, isagoo sheegay in ciidamadan iskaashanaya ay sii wadi doonaan dagaalada ay kula jiraan Xarrakatul Shabaab inta ay la wareegayaan Muqdisho oo dhan.
Ma ahan markii ugu horeysay oo uu Madaxweyne Sheekh Shariif booqasho ku tago agaagga dagaalka ah ee ay ku sugan yihiin ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM tan iyo markii ay bishii hore Muqdisho ka billowdeen dagaallada u dhexeeya DKMG ah oo kaashanaysa AMISOM iyo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya