3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 9 , 2011
Dhaqdhaaaqyo laga dareemayo xuduudda Kenya iyo Soomaaliya iyo Xarakada Al-shabaab oo hadashay

Arbaco, Maarso 09, 2011 (HOL) Dhaqdhaqaaqyo ciidan ayay DKMG ka billowday xuduudda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan dhinaca Jubbooyinka oo ay ku xooggan tahay Xarrakatul Shabaab Al-Mujaahidiin, kuwaasoo u muuqda kuwo ay doonayaan inay ku weeraraan gobollada Jubooyinka.

Arrintan ayaa waxaa ka hadlay masuul ka tirsan Xarrakada Al-shabaab oo lagu magacaabo Sheekh Max'ed Dulyadeyn kaasoo ugu baaqay shacabka ku dhaqan Jubbooyinka inay ka hortagaan dagaallo ay DKMG Soomaaliya ay ku dooneyso inay kusoo qaado gobollada Jubooyinka.

"Waxa la doonayo waa in la burburiyo shareecada Islaamka, dadka Jubbooyinka ku nool waxaa la idinka rabaa inaad ka hortagtaan cadowga Allaah oo aad ka difaacadaan diintiina iyo dalkiina," ayuu yiri Sheekh Dulyadeyn oo ka hadlay dhaqdhaqaaqyada ciidan.

Nawaaxiga deegaanka Dhoobley oo ku yaal galbeedka gobolka Jubbada hoose ayaa waxa mudooyinkan dambe laga dareemayay dhaqdhaqaaqyo ciidan kaddib markii ay halkaasi soo gaareen ciidammo taabacsan dowladda Soomaaliya oo la sheegay in lagu tababaray dalka Kenya.

Marka laga soo tago abaabullada ciidan ayaa waxa diyaar-garow kaas looga soo horjeedo ay Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab kawadaan gobollada Jubbooyinka iyagoo ciidammo badan isugu geeyay xadka ay wadaagaan Soomaailya iyo Kenya.

Waxaana la filan karaa xilli walba inay halkaasi ka qarxaan dagaallo u dhexeeyay Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo la sheegay in ay caawinayaan ciidamo shisheeye iyo xoogagga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
3/9/2011 7:41 AM EST
Arbaco, Maarso 09, 2011 (HOL) – Qoraal toddobaadkan kasoo baxay Maxkamadda sare ee dalka ayaa lagu dalbaday maxkamadda ciidammada qalabka sida inay u wareejiso dacwadda eedeysan Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) maxkamadda gobolka Banaadir.

3/9/2011 7:14 AM EST
Arbaco, Maarso 09, 2011 (HOL) – Dood ay ka qaybgaleen in ka badan 50 ka mid ah haweenka suxufiyiinta ah ee Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay Hotel saxafi ee magaalada Muqdisho, taasoo gundhiggeedu ahaa sidii lagu horumarin lahaa haweenka suxufiyiinta ah ee Soomaaliyeed waxaana dooddan soo agaasintay ha'yadda CCD.

3/9/2011 6:57 AM EST
Arbaco, Maarso 09, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta socod qaatay muddo saacado ah ku tagay aagagga ay degmooyinka Hodan, Holwadaag iyo Wardhiigley kaga sugan yihiin ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM, isagoo socdaalkiisa markii uu dhammaaday la hadlay saxaafadda.

3/9/2011 3:01 AM EST
Arbaco, Maarso 09, 2011 (HOL) – Sheekh Cumar Faaruuq Xaaji Cabdi-Suldaan Xaaji Maxamuud wuxuu ku dhashay degmada Qooxley oo Qallaafe iyo Qabridaharre u dhaxeysa, halkaasi oo magaceeda caanka ahi yahay "Carmaale" . Carmaale waxaa dariiqa diimeed ka hayey aabihiis Xaaji Cabdi-Suldaan, dariiqadaasoo ka koobanayd dugsi Quraan iyo barida diinta islaamka oo uu hayey Sheekh waalid u ahaa Sheekh Cumar Faaruuq oo la oran jirey macallin Cusmaan Macallin Dhicis.

3/9/2011 2:48 AM EST
Arbaco, Maarso 09, 2011 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay xalay kala wareegtay xoogagga Xarrakatul Shababa deegaanno hoostaga degmada Rabdhuurre ee gobolka Bakool oo ku taalla xuduudda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.

3/9/2011 2:47 AM EST
Arbaco, Maarso 09, 2011 (HOL) – Barnaamijka cunnada adduunka ee WFP ayaa soo saaray warbixin uu ku sheegay inuu gargaar deg-deg ah u qaybinayo 50,000 qof oo ku nool Muqdisho iyo daafaheeda, kuwaasoo ay sheegeen inay haysato xaalad cuuno la'aaneed oo daran.

3/9/2011 2:44 AM EST
Arbaco, Maarso 09, 2011 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay xog ururin lagu sameeyay dadweynaha Soomaaliyeed oo ay Sabtida toddobaadkan soo bandhigay Hoyga Saxafiyiinta Muqdisho (Muqdisho Media House), iyadaoo sheegtay in tani u taagan tahay tallaabo loo qaaday dimoqoraadiyad dhab ah oo waddanka ka dhacda.

3/9/2011 1:58 AM EST
Arbaco, 09, Maarso, 2011 (HOL) Saakay waabarigii hore xali dadku isku diyaarinayay Salaada subax ayaa mar kaliya waxaa ku soo dhacay dhagaha dadka reer Beledweyne dhawaqa qarax aad u culus oo ka dhacay halka lagu magacaabo Buunda-koowaad oo ku dhaw xaafadda Nuur Xawaad.

3/9/2011 1:53 AM EST
Arbaco, Maarso 09, 2011 (HOL) – Koobkan oo ay soo qabanqaabiyeen ururka SYAO ayaa waxaa lagu maamuusayay maalinta haweenka adduunka oo ku beegnayd shalay, waxaana kasoo qaybgalay boqolaal haween ah, safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali Ameerika, xiddigii hore ee Qaranka K/Koleyga Soomaaliya Saciid Qorsheel, guddoomiyaha Ahlusunah ee gobolka Banaadir Axmed Sheekh Aadan Dheere "Shuqul", aqoonyahanno iyo ganacsatada xaafadda Islii ee magaalada Nairboi.

3/9/2011 1:40 AM EST
Arbaco, Maarso 09, 2011 (HOL) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada shaqaalaha, dhallinyarada iyo isboortiga dowladda KMG ah ee Soomaaliya, C/rashiid Maxamed Xiddig ayaa dalbaday in DKMG ah xilliga loo kordhiyo si ay u sii waddo howlgallada milateri ee ay ku doonayso inay dalka oo dhan ku qabsato.