4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 9 , 2011
Wasiir ku xigeen ka tirsan xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya oo codsaday in xilliga loo kordhiyo dowladda

Arbaco, Maarso 09, 2011 (HOL) Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada shaqaalaha, dhallinyarada iyo isboortiga dowladda KMG ah ee Soomaaliya, C/rashiid Maxamed Xiddig ayaa dalbaday in DKMG ah xilliga loo kordhiyo si ay u sii waddo howlgallada milateri ee ay ku doonayso inay dalka oo dhan ku qabsato.

"Dowladdu waxay billowday howlgallo ciidan oo ay doonayso inay dalka oo dhan kula wareegto, waxaana loo baahan yahay in xilliga loo kordhiyo, waayo haddii la yiraahdo bisha Ogoosto waxaa la qabanayaa doorashooyin taas waxay gacan siinaysaa Xarrakatul Shabaab," ayuu yiri mudane Xiddig oo ka hadlayay xaflad lagu maamuusayay maalinta haweenka caalamka oo ku beegnayd shalay.

Mudane Xiddig wuxuu sheegay in xubnaha baarlamaanka ay muddada kororsadeen, loona baahan yahay inay ka fikiraan midda dowladda maadaama aan la kala goyn karin howlgallada billowga ah ee lagu soo celinayo nabadda iyo ammaanka.

"Waxaa qorsheysan in weerarro ay dowladdu ku qaaddo gobollada Jubbooyinka oo ay ka taliso Xarrakatul Shabaab, mana filayo in howlgallada socda iyo kuwa billlaabanaya ay soo gabgaboobmi karaan bisha Ogoosto ee sannadkan," ayuu yiri wasiir ku xigeenka ka tirsan xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya.

Hadalka wasiirka ayaa imanaaya iyadoo dowladda KMG ah ay la wareegtay dhowr degmo oo ku yaalla gobolka Gedo oo ay horay uga talin jirtay Xarrakatul Shabaab, balse ma jirto cid jawaab ka bixisay codsigan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya