4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 1 , 2011
Nairobi: Xuska 1-da Luuliyo oo lagu qabtay safaaradda Soomaalida iyo fanaaniinta qaranka oo ka soo qaybgalay



Jimco, July 01, 2011(HOL) - Xaflad si wayn loo soo agaasimay oo lagu xusayo 1-da luuliyo ayaa habaynkii xalay ahaa ay kumannaan dad ah kaga qaybgaleen dhismaha safaaraddii Soomaaliya ee dhawaan uu ku guulaystay inuu soo dhaciyo, safiirka Soomaalida Maxamed Cali Ameerika.

Xafladda oo ay ahayd mid ay qiiradii dadka ka tan badisay, isla markaana ay kumannaan dad ahi isku buurteen ayaa waxaa isku soo dubariday saafaradda Soomaalida ee Nairobi oo uu hogaaminayo Ambassador Maxamed Cali Amerika.

Waxaa halkaas isugu yimid Safiirrada wadamada ajnabiga ah u qaabilsan Soomaaliya iyo Kenya  sida , safiirka Talyaaniga,safiirka Jarmalka,safiirka Masar iyo marti sharaf kale oo halkaas lagu martiqaaday.

Waxaana iyadoo roob uu da’ayo ay dadweynuhu taagnaayeen barxadda safaaradda iyagoo labisan calanka buluugga ah ee qaranka Soomaaliyeed looga garto qaramada kale.

Iyadoo dadka halkaas isugu yimid ay u badnaayeen dhalinyaro ay da’adoodu yartahay, lagana yaabo inay dhasheen 20kii sano ee burburka , ayaa haddana laga dareemayay sida ay ugu heellanyihiin qarankooda.

Dhalinyara ayaa intooda badan sitay ama labisnaa calanka Soomaaliya.

Waxaa si aad ah u soo jiitay indhaha  dadkii halkaas isugu yimid dhalinyaro ka yimid xeryahay qaxootiga oo iyagoo qiiraysan sheegay inay tahay markii ugu horreysay oo ay ka qaybgalaan xuska 1-da luuliyo iyagoo mahad u jeediyay Ambassador Maxamed Cali Ameerika oo u suura galiyay , dhalinyaro badan oo qaxootiga ku nool inay sannadkaan kaga qayb galaan xafladda magaalada Nairobi.

Dhanka madadaalada ayaa xafladda waxaa khudbado qiiro leh iyo heeso waddani  ka jeediyay Fanaaniinta qaranka, Ustaad Axmed Naaji Sacad, Saado Cali Warsame, Cabdi Shire iyo waliba kooxda horseed oo dhammaantood jeediyay heeso, khudbado iy dhiiri galin ku aaddan muhiimadda 1-da luuliyo iyo midnimada ummada Soomaaliyeed.










Ugu dambayntiina markii ay saacaddu soo gaadhay 12ka saqda dhexe ayaa la saaray calanka qurxoon ee jamhuuriyadda Soomaaliya.

Axmed Cabdisamad,Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya