4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 16, 2011
Xukuumadda Soomaaliya oo xirtay dad lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday Bannaanbixii Nabadda

Xafiiska Wasaaradda Warfaafinta
War Saxaafadeed 009/2011


Maxamed Dheere, Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir
Muqdisho – 16 Febraayo, 2011 Dowladda ayaa xirtay shan qof oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen weerarkii Talaadadii lagu qaaday dadweyne bannaanbax nabadeed ku sameynayay agagaarka Ex-Fiyoore ee magaalada Muqisho, weerarkaas oo ay ku geeriyoodeen illaa saddex qof oo rayid ah iyo askari ka tirsanaa dowladda.

Ra’iisul-wasaaraha, Mudane Maxamed C/laahi Maxamed, Ku-xigeenka Ra’iisul-wasaaraha, ahna Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane C/xakiim Maxamuud, Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka, Mudane C/shakuur Sheekh Xasan iyo Wasiirka Warfaafinta, Boostaha & Isgaarsiinta, Mudane C/kariim Xasan,  ayaa si wadajir ah ugu sheegay Raadiyo Muqdisho in ciidamada Dowladda oo kaashanaya nabad-ilaaliyeyaasha AMISOM ay xabsiga dhigeen eedeysanayaasha kala ah:

1. Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir

2. Cabdi Qeybdiid (ma aha Jen. Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid, Taliyihii Hore ee Ciidanka Booliiska) 

3. Maxamed Raage Tifow

4. Cali Nuur Maxamed

5. Nuur Cali Yalaxow


Xukuumaddu waxay xaqiijisay in eedeysanayaasha la hor keeni doono caddaaladda sida ugu dhaqsiyaha badan, iyadoo sidoo kale Xukuumaddu ay carrabka ku adkeysay in tani ay ka mid tahay tallaabooyinka ay ka qaadeyso sidii loo dhameyn lahaa dhaqanka la-xisaabtan la’aanta dadka dambiyada galay si muwaadiniintu ugu noolaadaan nabad iyo xasillooni.