4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 16, 2011
Dibadbax Roob-doon ah oo ka dhacay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo

Arbaco, 16 Feberaayo, 2011 (HOL) –  Boqollaal dadweeyne ah ayaa maanta isugu soo baxay garoonka weyn ee kubadda cagta ee degmada Baardheere kuwaasi oo ka qeybqaadanayay banaanbax roob doon ah oo ay Alle kaga baryayeen in uu ka dulqaado abaarta baahsan ee ka jirta gobolka Gedo.

Maamulka islaamiga ah ee degmada Baardheere ayaa shalay gelinkii danbe ku wargeliyay shacabka ku dhaqan degmadaasi dibadbaxan roobdoonka ah, waxaana maanta gabi ahaanba xirnaa goobihii waxbarashada, kuwa ganacsiga iyo guud ahaanba dhaqdhaqaaqii ka jiray degmadaasi Baardheere.

 

Dadweeynihii ka qeybqaadanayay dibadbaxan ayaa laba rakcadood oo roob doon ah ku tukaday garoonka weyn ee degmada baardheere, waxaana halkaasi qudbado iyo ducooyin Alle bari ah kasoo jeediyay Culumaa’udiinka magaalada Baardheere iyo qaar katrirsan masuuliyiinta maamulka degmadaasi, waxaana ay shacabkii halkaasi isugu yimid ugu baaqeen in ay Allah u towbad keenaan oo ay weydiistaan cafis, waxaana ay culumaa’udiinkii halkaasi ka hadlay sheegeen in abaartani looga bixi karo oo keliya in Allaah si wadajir ah loo baryo.

 

Dibadbaxan roobdoonka ah ayaa kusoo beegmaya xilli ay abaaro ba’ani ku dhufteen guud ahaanba gobollada dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolka Gedo, waxaana ay abaarahani galaafteen nolosha dad iyo duunyo fara badan.


Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya