4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 16, 2011
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in kuwii ka dambeeyay dhacdadii shalay la horkeeni doono cadaaladda

Arbaco, 16 Feberaayo, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta saxaafadda kula kulmay xafiiskiisa Muqdisho ayaa cambaareeyay falkii shalay lagu dilay dadka shacabka ah ee dhidhigayay mudaaharaadka lagu taageerayo dowaldda Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay fal naxdin leh.

"Waxaan tacsi u dirayaa ehelladii dadkii ku dhintay falkaas iyo dowladda Soomaaliya oo ay ku dhinteen, waxaana kuwii ka dambeeyay sida ugu dhaqsiyaha badan loo horkeeni doonaa cadaaladda," ayuu yiri madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu sheegay in dowladdu ay daweyn doonto dadkii dhaawacyadu ay soo gareen, isagoo xusay in falkaas aysan u haysan inuu yahay mid qabiil, balse ay u haystaan dambi ay ay shaqsiyaad gaar ah galeen, ayna tahay in cadaaladda sida ugu dhaqsiyaha badan lagu horkeeno.

"Shacabkaan waxay soo mareen 20-sano oo jahawareer ah, lamana aqbali karo in qof shacab ah dhibaato loo geysto haddana sharciga la fakado, dhiig shacab ayay daadiyeen waana lagama maarmaan in cadaaladda la horkeeno oo ay helaan abaal-marintooda, caaladduna qof walba ayay dan u tahay," ayuu shirkiisa jaraa'id ku yiri madaxweyne Sheekh Shariif.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in arrintu ay tahay tuhmo oo kelia, balse ay sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo caddaan doonto, wuxuuna xusay inay saxaafadda u soo bandhigi doonaan wixii kasoo baxa baaritaanka socda.

Falkan oo lagu dilay dad rayid ah kuwo kalena lagu dhaawacay ayaa ka dhacay shalay meel ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana hadalka madaxweynuhu uu qayb ka noqonayaa hadallo ay ay jeediyeen guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan iyo ra'iisul wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya