4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 16, 2011
Danjire Maxamed Cali Ameerika oo maxaabiis Soomaali ah ka sii daayay Xabsi ku yaalla Mombasa (SAWIRRO)


Arbaco, 16 Feberaayo, 2011 (HOL) – Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur (Amerika) ayaa ku guuleystay inuu xabsi ku yaalla magaalada Mombasa ee dalka Kenya ka sii daayo dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xirnaa.

Safiirka oo la hadlay HOL ayaa sheegay in maxaabiista lasii daayay oo dhallinyaro u badan berri subax aroorta hore loo qaadi doono xeryaha qoxootiga ee Dhadhaab, isagoo xusay in hay'adda UNCHR ay ogolaatay inay siiso kaararka qoxootinimada.

"Waxaan saakay la kulmay taliyaha ciidanka booliska Mombasa, kaddibna waxaan la kulmay dhalinyaradii Soomaaliyeed ee la siidaayay, waxaan u soo diyaariyay baabuurtii lagu qaadi lahaa," ayuu yiri danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya.

Ambassador Amerika, wuxuu sheegay in taliyaha booliiska Mombasa uu ka codsaday in lagu daro gaadiidka dhallinyarada galbinaya ciidammo gaarsiiya xeryaha qoxootiga si aysan mar kale u dhicin in lagu qabto jidka.


Safiirka ayaa sheegay in muddo dhowr casho ah uu ku sugnaa Mombassa si uu u sii-daayo maxaabiistan Soomaalida oo u badan dhallinyaro aad u da' yar, kuwaasoo ciidamada Kenya ay qabqabteen iyagoo dalkaas ku galay si sharci darro ah.

Ma ahan markii ugu horreysay oo danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya uu ka sii daayo maxaabiis ku xiran dalka Kenya, waxaana dhawaan sidoo kale uu ku guuleystay inuu xabsiyo ku yaalla Mombasa ka sii daayo tiro maxaabiis Soomaaliyeed ah.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya