4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 16, 2011
Maydadka Burcadbadeed ay ciidamada K/Kuuriya ku dileen howlgal markab lagu furanayay oo Muqdisho la geeyay

Arbaco, 16 Feberaayo, 2011 (HOL) – Garoonka diyaaradaha ee Muqdsiho ayaa gallinkii dambe ee maanta waxaa laga soo-dajiyay maydadka sideed burcadbadeed Soomaaliyeed ah oo ciidamada Koonfurta Kuuriya ay ku dileen howlgal ka dhacay badweynta Hindiya bishii hore, iyadoo maydadka ay la wareegeen ciidammada AMISOM.

Maydadkan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho keentay diyaarad yar oo kasoo qaaday dalka Cummaan oo maydadkan lagu hayay tan iyo markii la dilay, waxaana loo qaaday maydadka saldhigga AMISOM iyadoo aan la tusin ehelladoodii oo garoonka ku sugnaa.

Saraakiil u hadlay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa sheegay in madaxda DKMG ah ay ku wargeliyeen intii aysan diyaaraddu soo cago-dhigan, balse ay ka waayeen wax jawaab, markaas kaddibna ay khasab u noqontay inay u yeeraan saraakiisha AMISOM si ay ula wareegaan.

Burcadbadeedda maydadkooda maanta laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxaa lagu dilay howlgal ay ciidamamda Koonfurta Kuuriya kaga furteen markab nooca kiimikada qaada ah oo lagu magacaabo Samho Jewelry, iyagoo howlgalkaas ku qaabtay shan burcadbadeed oo lagu maxkamadeyn doono dalka Koonfurta Kuuriya.

Dowladda Soomaaliya ayaan ka hadlin maydadka burcadbadeeddan la keenay, balse saraakiisha garoonku ayaa sheegeen in inta madaxda dowladda KMG ay go'aan ka gaarayaan sida laga yeelayo maydadkan ay hayn doonaan ciidammada AMISOM.

Waa markii ugu horreysay oo magaalada Muqdisho laga soo dajiyo maydadka burcadabadeed Soomaaliyeed oo lagu dilay howlgal lagu furanayay markab ay afduub ahaan loogu qabsaday biyaha dalka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya