4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 16, 2011
Golaha wasiirrada DKMG ah oo kulan ay yeesheen diiradda ku saaray falkii lagu xasuuqay bannaanbaxayaasha

Arbaco, 16 Feberaayo, 2011 (HOL) – Shir aan caadi ahayn oo golaha wasiirrada Soomaaliya ay maanta ku yeesheen Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay dhacdadii foosha xumayd ee shalay ka dhacday barxada ex-fiyooraha, waxaana shirkaas guddoominayay ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka KMG ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlayay arrintaas ayaa ku tilmaamay fal naxariis-darro ah oo lagu xasuuqay dad aan waxba galabsan oo halkaasi isugu yimid inay muujiyaan dareenkooda wadaninimo iyo nabad jaceylka ah, wuxuuna carabka ku adkeeyay in arrintaasi ay tahay mid tiiraanyo iyo murugo leh taariikhdana baal madow ka gashay.

Mudane Farmaajo ayaa intaas kaddib wuxuu hadalka siiyay ku xigeenkiisa ahna wasiirka gaashaandhigga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo warbixin ka siiyay golaha wasiirrada dhacdadii foosha xumayd ee shalay, wuxuuna cadeeyay in raggii geystay falkaasi ay ahaayeen ciidamo beeleed sitay labiska ciidanka xooga dalka.

Waxaa kale oo kulanka ka hadlay, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka oo isna shirka ka sheegay in dhacdadaasi foosha xun baaritaankeeda gacanta lagu hayo sida ugu dhaqsaha badana golaha wasiirrada loo hor-keeni doono.

Intaa kaddib, waxaa ka hadlay dhacadadaas dhowr wasiiro oo soo jeediyay talooyin iyo tallaabooyin looga hortegi lahaa falal noocaas oo kale, waxaana wasiirrada shirka ka qaybgalay oo dhan ay cambaareyn adag u jeediyeen kuwii ka dambeeyay falkaas lagu xasuuqay dadkaas biri-mageydada ah ee aan waxba galabsan.

Golaha wasiirradu waxay kaloo dhageysteen warbixin ku aadan siyaasada arrimaha dibadda ee xukuumada federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo iskaashiga kala dhexeeya beesha caalamka, iyadoo arrintaas ka hadlay ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar.

Wasiirku wuxuu u sheegay golaha wasiirrada in dowladda federaalka KMG ah laga sugayo barnaamijkeeda dhow iyo midka fog inay si dar-dar leh uga howlgasho si marxaladda kala guurka ah looga gudbo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya