3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 16, 2011
Maamulka Shirkada Dhismaha ee Mubaarak Group oo soo bandhigay waqabadkeeda tobankii sano ee tagay


Arbaco, 16 February 2011 (HOL)- Munaasabad aad u ballaaran oo lagu soo bandhigayay waxqabadka shirkadda Mubaarak Group of Company ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee Rukhsan ee magaalada Garoowe.

Waxaa ka soo qayb galay madax ka tirsan maamulka oo ay ka mid ah ahaayeen wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Puntland ,duqa degmada Garowe ,gudoomiyaha barlamanka Puntland iyo ganacstada ugu caansan gobolka qaar ka mid ah.

"Shirkada tobonkii sano ee la soo dhaafay waxa ay xafiisyo badan ka furatay qaybo ka mid ah dalka gaar ahaan Puntland "ayuu yiri maamulaha guud ee shirkada Mubaarak Group C/qaadir Xaaji oo munaasabada ka hadlay

Waxaa kaloo maamulaha uu sheegay in ay jiraan qorshayaal lagu hormarinayo waxqabadka shirkada mustaqbalka soo socda,isagoo ku baaqay in laga wada qayb qaato horumarka dalka.


"Aad ayaan u soo dhawaynaynaa cid kasta oo doonaysa in maal gashi ay ku samayso caasimada Puntland ee Garowe "ayuu yiri duqa degmada oo goobta ka hadlay,isagoo ku baaqay in lagu daydo shirkada Mubaarak Group of Compnay.

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Puntland oo isna goobta ka hadlay ayaa dhiirigaliyay shaqadii shirkada qabtay tobankii sano ee la soo dhaafay,waxaana uu amaanay shaqada Shirkada.

"Aad ayaan ula riyaaqay markii aan arkay in ganacsiga gobolka oo aad u kordhay waqtiyadan danbe ,waxaana aan leeyahay meeshiina ka sii wada "Ayuu yiri wasiirka oo hadal kooban goobta ka jeediyay.

Shirkada Mubaarak Group of Companay waxaa la asaasay sanadkii markuu ahaa 2000,iyadoo xafiiskeedi ugu horeeyay laga hirgaliayay magaalada Bosaaso waana shirkad qaabilsan dhimayaasha qaybahooda kala duwan.


Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya













Click here
2/16/2011 9:03 PM EST
Muqdisho – 16 Febraayo, 2011 Dowladda ayaa xirtay shan qof oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen weerarkii Talaadadii lagu qaaday dadweyne bannaanbax nabadeed ku sameynayay agagaarka Ex-Fiyoore ee magaalada Muqisho, weerarkaas oo ay ku geeriyoodeen illaa saddex qof oo rayid ah iyo askari ka tirsanaa dowladda.

2/16/2011 9:08 AM EST
Boqollaal dadweeyne ah ayaa maanta isugu soo baxay garoonka weyn ee kubadda cagta ee degmada Baardheere kuwaasi oo ka qeybqaadanayay banaanbax roob doon ah oo ay Alle kaga baryayeen in uu ka dulqaado abaarta baahsan ee ka jirta gobolka Gedo.

2/16/2011 9:05 AM EST
Arbaco, 16 Feberaayo, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta saxaafadda kula kulmay xafiiskiisa Muqdisho ayaa cambaareeyay falkii shalay lagu dilay dadka shacabka ah ee dhidhigayay mudaaharaadka lagu taageerayo dowaldda Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay fal naxdin leh.

2/16/2011 9:04 AM EST
Arbaco, 16 Feberaayo, 2011 (HOL) – Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur (Amerika) ayaa ku guuleystay inuu xabsi ku yaalla magaalada Mombasa ee dalka Kenya ka sii daayo dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xirnaa.

2/16/2011 9:03 AM EST
Arbaco, 16 Feberaayo, 2011 (HOL) – Garoonka diyaaradaha ee Muqdsiho ayaa gallinkii dambe ee maanta waxaa laga soo-dajiyay maydadka sideed burcadbadeed Soomaaliyeed ah oo ciidamada Koonfurta Kuuriya ay ku dileen howlgal ka dhacay badweynta Hindiya bishii hore, iyadoo maydadka ay la wareegeen ciidammada AMISOM.

2/16/2011 9:03 AM EST
Arbaco, 16 Feberaayo, 2011 (HOL) – Shir aan caadi ahayn oo golaha wasiirrada Soomaaliya ay maanta ku yeesheen Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay dhacdadii foosha xumayd ee shalay ka dhacday barxada ex-fiyooraha, waxaana shirkaas guddoominayay ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka KMG ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

2/16/2011 6:51 AM EST
Arbaco, 16 Feberaayo, 2011 (HOL) – Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta xilkii ka qaaday guddoomiyihii maamulkooda gobolka Banaadir Sheekh Cali Max'ed Xuseen, iyagoo xilkaas u magacaabay mas'uul cusub oo lagu magacaabo Sheekh Maxamed Xasan Cumar (Abuu-C/raxmaan).

2/16/2011 6:49 AM EST
Arbaco, 16 Feberaayo, 2011 (HOL) – Hay'adda Daryeel Bulsho Guud (DBG) ayaa maanta deeq dawo ah oo ka timid dalka Jarmalka ku wareejisay isbitaallada Madiina iyo Banaadir, iyadoo ay sheegeen mas'uuliyiinta hay'adda inay dawooyinkan qaybta ka harsan ku wareejin doonaan isbitaallada Dayniile iyo Keysanye toddobadka soo socda.

2/16/2011 6:48 AM EST
Arbaco, 16 Feberaayo, 2011 (HOL) – Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo waxgarad kasoo jeeda beesha Abgaal ayaa falkii lagu dilay dadka rayidka ah ku eedeeyay maamulka gobolka Banaadir, iyagoo codsaday in ciidankii falkaas ka dambeeyay la horkeeno sharciga.

2/16/2011 5:35 AM EST
Arbaco, 16 Feberaayo, 2011 (HOL) Kadib dagaal culus oo maalintii shalay xoogag ka tirsan kuwa xarrakada Al-shabaab iyo kooxaha ka soo horjeeda ku dhaxmaray deegaannka Baar-dhuyac oo ka tirsan goballka Hiiraan ayaa wararkii ugu danbeeyay waxaa ay sheegayaan in xaaladu tahay mid degan.

2/16/2011 2:37 AM EST
Arbaco, 16 February 2011 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa is-hortaagay qorshe Qaramada Midoobay ku doonaysay inay Somaliland kaga dhisto maxkamad gaar u ah qaadista dacwadaha maxaabiista budhcad-badeedda Soomaalida ee caalamku qab-qabto.

2/16/2011 1:56 AM EST
Arbaco, 16 February 2011 (HOL)- Allaha u naxariistee waxa xalay magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday Fannaankii/Muusigyahankii hobolladii Waaberi Axmed Cali Haaruun (Dararamle).

2/16/2011 1:43 AM EST
Arbaco, 16 Feberaayo, 2011 (HOL) – Dowladda Uganda oo hoggaamisa howlgalka Midowga Afirka ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa jawaab ka bixisay eedeymo ay haya'dda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ku sheegtay in ciidamada AMISOM ay duqeeyaan goobaha ay shacabku ku badan yihiin ee Muqdisho.

2/16/2011 1:42 AM EST
Arbaco, 16 Feberaayo, 2011 (HOL) – Ugu yaraan 50-qof oo Soomaali ah ayaa ku dhintay xeebta waqooyi ee dalka Musambiik kaddib markii doonidii ay la socdeen ay kula dagtay jasiirad ku taalla waqooyiga dalkaas 10-maalmood ka hor.

2/16/2011 1:42 AM EST
Arbaco, 16 Feberaayo, 2011 (HOL) – Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed G/sare C/llaahi Xasan Bariise ayaa shir jaraa'id oo uu shalay gallinkii dambe ku qabtay Muqdisho ku sheegay inay qabteen shan miino oo khatar ah, kuwaasoo uu sheegay in la doonayay in qaraxyo looga geysto degmooyinka ay dowalddu maamusho.