4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 16, 2011
Hay'adda DBG oo maanta deeqa dawo ah ku wareejisay Isbitaallada Madiina iyo Banaadir ee Muqdisho (SAWIRRO)


Arbaco, 16 Feberaayo, 2011 (HOL) – Hay'adda Daryeel Bulsho Guud (DBG) ayaa maanta deeq dawo ah oo ka timid dalka Jarmalka ku wareejisay isbitaallada Madiina iyo Banaadir, iyadoo ay sheegeen mas'uuliyiinta hay'adda inay dawooyinkan qaybta ka harsan ku wareejin doonaan isbitaallada Dayniile iyo Keysanye toddobadka soo socda.

"Deeqadan dawada ah oo culeyskeedu yahay 14-mitric-tone waxaa soo dhiibtay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Jarmalka, waxayna ku kacday 400,000 Euro, iyadoo loogu talogalay in lagu taakuleeyo isbitaallada Madiina, Banaadir, Dayniile iyo Keysaney, hay'adda DBG ayaana loosoo marsiiyay," ayuu yiri agaasimaha hay'adda Daryeel Bulsho Guud Cumar Colaad Axmed.

Mr. Coalad wuxuu sheegay in maanta ay dawadan qaybteedii ugu horreysay ku wareejinayaan isbitaallada Madiina iyo Banaadir oo ku yaalla qaybaha ay dowladdu ka maamusho Muqdisho, maalinta Sabtida ah ee soo socotana ay qayb kale oo ka mid ah dawadan ku wareejin doonaan isbitaallada Dayniile iyo Keysaney oo ku yaalla qaybaha ay Xarrakatul Shabaab ka maamusho Muqdsiho.


"Hay'adda DBG waxay Soomaaliya ka-howl-billowday sannadkii 1992-kii, tan iyo xilligaasna maalin kama aysan bixin dalka, waxayna bishii Jannaayo sannadkii 2004 ay isku badashay hay'ad maxalli ah oo ay maamulaan dad Soomaali ah," ayuu yiri Cumar Colaad.

Xafladda lagu wareejiyay dawadan oo ka dhacday hoteelka Saxafi ee Muqdisho, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas'uuliyiin ka socday maamulka gobolka Banaadir iyo wasaaradda caafimaadka xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, iyadoo ay soo dhaweeyeen xubnahaas dawada ay DBG ku wareejisay isbitaallada Muqdisho.

"Cid walba oo shacabka waxtarta waan uga mahadcelinaynaa, markhaati ayaana ka nahay in DBG ay gargaar u fidiso shacabka Soomaaliyeed sida biyo dhaamin," ayuu yiri Warsame Maxamed Joodax oo ka socday maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale, mas'uulkan wuxuu ugu baaqay hay'adaha kale inay ku daydaan DBG oo ay dadka gargaar u fidiyaan, isagoo sheegay in hay'addii dadka taageerta ay u mahad-celinayaan kuwii aan taageerinna ay taariikhdu xusi doonto.


Wasiirk ku xigeenka wasaaradda caafimaadka DKMG ah Cismaan Libaax oo isaguna ka hadlay xafladda ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan deeqda dawada ah ee ay DBG ku wareejisay isbitaallada Muqdisho, isagoo sheegay in hay'ad walba oo Soomaali ah looga baahan yahay inay shacabka taageerto.

Agaasimaha isbitaalka Banaadir Dr. C/risaaq Cali Xasan oo isaguna hadal kooban ka jeediyay xafladda ayaa sheegay inay ka guddoomeen hay'adda DBG deeqda dawada ah, isagoo sheegay in dawo oo keliya aanay isbitaalladu u baahnayn, balse sidoo kale ay u baahan yihiin gargaar intaas ka badan.

Duniyo Cali Maxamed oo u hadashay isbitaalka Madiina ayaa iyaduna sheegtay inay uga mahadcelinayaan hay'adda DBG dawada ay ku wareejisay, waxayna xustay in dawadan aysan ahayn markii ugu horreysay oo DBG ay soo gaarsiiso isbitaalkooda.

Ugu dambeyn, waxaa saxaafadda la tusay afar gaari oo ay saarnaayeen dawooyin kala duwan, kuwaasoo loo kexeeyay dhinaca isbitaallada loogu deeqay, waxaana xubnaha u hadlay labada isbitaal ay isla qireen in dawadan la soo gaarsiiyay xilli ay baahi weyn u qabeen.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya