4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 16, 2011
Wararkii ugu dambeeyay dagaal shalay ka dhacay tuulada Baar-dhuyac ee Gobolka Hiiraan
Arbaco, 16 Feberaayo, 2011 (HOL)  Kadib dagaal culus oo maalintii shalay xoogag ka tirsan kuwa xarrakada Al-shabaab iyo kooxaha ka soo horjeeda ku dhaxmaray deegaannka Baar-dhuyac oo ka tirsan goballka Hiiraan ayaa wararkii ugu danbeeyay waxaa ay sheegayaan in xaaladu tahay mid degan

Wararku waxaa ay intaa ku darrayaan in uu jiro khasaarre soo kala gaaray dhicyada dirirtu dhaxmartay, iyada oo sidoo kale dagaallku saameyn muuqata ku yeeshay dadkii reer miiga ahaa ku dhaqanaa deegaannada lagu dagaallamay.

Xoogagga xarrakada Al-shabaab ayaa waxaa ay sheegeen in dagaallku ahaa mid dhaxmaray ciidamo halkaa isku urursanayay oo ay ku jiraan kuwa dowladda Itoobiya islamarkaana khasaare gaarsiiyeen.

Laakiin dhinaca kala Afhayeen u hadllay maamulka Dooxada Shabeelle oo lagu magacaabo Max'ed Nuur Cagajoof ayaa sheegay in dagaallku ahaa mid dhaxmaray maamulkooda iyo xoogagga xarrakada Al-shabaab isaga oo intaa ku darray in ay guulo ka gaareen dagaallka.

Marka laga soo tago sheekashada labada dhinac wararka laga hellayo dadka deegaannka ayaa sheegaya in khasaaraha dhimashada ku dhaw dahay 10 ruux oo ka wada tirsan dhinacyada dirirtu dhaxmartay mana ah markii ugu horeysay oo xoogag ka tirsan xarrakada Al-shabaab dagaal kula galaan qeybo ka mid ah goballka kooxaha ka soo horjeeda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Soomaaliya