4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 16, 2011
Madaxweynaha Somaliland oo is-hortaagay qorshe Qaramada Midoobay u soo jeedisay

Arbaco, 16 February 2011 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa is-hortaagay qorshe Qaramada Midoobay ku doonaysay inay Somaliland kaga dhisto maxkamad gaar u ah qaadista dacwadaha maxaabiista budhcad-badeedda Soomaalida ee caalamku qab-qabto.

 

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland Xasan Axmed Aadan oo xafiiskiisa ugu warramayey qaar ka mid ah Warbaainta, ayaa sheegay in Madaxweynuhu is-hortaagay qorshahaas. “Madaxweynaha ayaa diiday qorshe Qaramada Midoobay noo soo gudbisay oo ay ku doonaysay in Somaliland lagaga hirgeliyo maxkamad caalami ah oo lagu qaado dacwadaha kooxaha budhcad-badeedka Soomaalida ee lagu hayo daafaha adduunka, isagoo Madaxweynuhu u cuskaday go’aankiisa khataraha arrintaas kaga iman kara Somaliland sida; xasillooni-darro iyo aargoosi ay bulshada reer Somaliland kala kulmaan haddii halkan [Somaliland] lagu maxkamadeeyo ehelahada budhcadda badaha oo dhammaantood ka soo jeeda dalka Soomaaliya ee deriska la ah Somaliland sidii horeba u dhacday, balse ilaa hadda UN-ku kama hadhin hindisahaas oo weli way sii hadal hayaan in maxkamad laga dhiso Somaliland, laakiin dawladda Somaliland way diiday qorshahaas,” ayuu yidhi Xeer-ilaaliyaha Guud oo ka mid ahaa masuuliyiin ka socday Somaliland oo ka qayb-galay Shir lagaga hadlayay arrimaha Budhcad-Badeedda oo ka dhacay dalka Sychelles.

 

Dhinaca kale, xeer-ilaaliyaha guud waxa uu shaaca ka qaaday inay oggolaadeen in Xabsiga Dhexe ee Hargeysa noqdo goob si ku-meel-gaadh ah loogu hayo maxaabiista budhcad-badeedda ee lagu xukumo dunida dacalladeeda.

 

Xukuumadda Somaliland ayaa qabqabatay, isla markaana maxkamadda horgeysay Budhcad-badeed tiro badan oo lagu qabtay Biyaha Badaha Somaliland, kuwaas oo qaarkood wali ku xidhan yihiin Xabsiyada kala duwan ee Somaliland.

 

Barkhad M. Kaariye   Hiiraan Online

[email protected]

Hargeisa, Somaliland.