4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 16, 2011
Fannaankii Axmed Cali Haaruun (Dararamle) oo geeriyooday

Arbaco, 16 February 2011 (HOL)- Allaha u naxariistee waxa xalay magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday Fannaankii/Muusigyahankii  hobolladii Waaberi Axmed Cali Haaruun (Dararamle).

 

Allaha u naxariistee Marxuumka oo muddooyinkan ku sugnaa dalka Ingiriiska, ayaa xalay ku geeriyooday magaalada London, halkaas oo dhawaanahanba ay ka socdeen Munaasabado dhaqameed.

 

Marxuumka oo ka mid ahaa foollaadka ama hormoodka Fanka Soomaalida, isla markaana inta badan ku noolaa magaalada Hargeysa, ayay guud ahaan Bahda Hiiraan Online waxay tacsi u dirayaan guud ahaan Umadda Afka Soomaaliga ku hadasha, gaar ahaan ehelkii iyo qaraabadii uu Marxuumku ka baxay, isagana Ilaahay jannadii ha ka waraabiyo oo ha u naxariisto.

 

Barkhad M. Kaariye   Hiiraan Online

[email protected]

Hargeisa, Somaliland.