4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 16, 2011
Dowladda Uganda oo ka jawaabtay eedeymo ay Hay'adda Human Rights Watch ay u soo jeediyay AMISOM

Arbaco, 16 Feberaayo, 2011 (HOL) – Dowladda Uganda oo hoggaamisa howlgalka Midowga Afirka ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa jawaab ka bixisay eedeymo ay haya'dda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ku sheegtay in ciidamada AMISOM ay duqeeyaan goobaha ay shacabku ku badan yihiin ee Muqdisho.

"Ciidamada AMISOM ma duqeeyaan goobaha ay shacabku ku badan yihiin, warka kasoo baxay HRW waa mid aan xaqiiqada ku fadhin," ayuu yiri afhayeenka ciidanka dalka Uganda Jen. Felix Kulayigye oo saxaafadda kula hadlay Kampala.

Taliyuhu wuxuu sheegay in ciidamamda AMISOM ay u joogaan Soomaaliya sidii ay u difaacaan dowladda Soomaaliya, isagoo xusay inay jawaabo ka bixiyaan markii lagu soo qaado weeraro madaafiic ah.

"Amarka ay ciidamada AMISOM haystaa waa inay ka jawaabaan weerar walba oo kaga yimaada Xarrakatul Shabaab, jawaabtuna waa mid ku wajahan oo keliya goobaha laga soo duqeyo ama laga soo weeraro ciidankeenna," ayuu yiri Jen. Kulayingye.

Hay'adda HRW ayaa warbixin ay maalin ka hor soo saartay ku sheegtay in AMISOM ay qayb weyn ku leedahay khasaaraha shacabka kasoo gaara dagaallada iyo duqeymaha aan kala sooca lahayn ee Muqdisho ka dhaca.

Su'aal ahayd in AMISOM ay u fasaxan tahay inay duqeeyso goobaha ay shacabku ku sugan yihiin xitaa haddii laga soo weeraro, ayuu kaga jawaabay: "Dabcan ma doonayno inaan dad shacab ah dilno, balse waa inaan ka jawaabno weerar walba oo nooga yimaada Al-shabaab."

Jen. Kulayigye wuxuu sheegay in eedeynta kaga timid HRW ay tahay mid dhabar wareen ah ku ah howlgalkooda Soomaaliya, balse ay filayeen inay lagu eedeyn karo isagoo xusay inay dhacayso in goob lagu dagaalamay ay dadka shacabka ah waxyeello kasoo gaarto.

Ugu dambey afhayeenku ciidanka Uganda waxaa la weydiiyay in Soomaaliya ay ka badbaadin karaan xoogagga Xarrakatul Shabaab iyo in kale, wuxuuna taas kaga jawaabay in Soomaaliya la badbaadin karo, hadii fikir mideysan ay la yimaadaan shacabka Soomaailyeed iyo beesha caalamka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya