4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 16, 2011
Tahriibayaal Soomaaliyeed oo ku dhintay xeebta dalka Musambiik kaddib markii ay la dagtay doonni ay la socdeen

Arbaco, 16 Feberaayo, 2011 (HOL) – Ugu yaraan 50-qof oo Soomaali ah ayaa ku dhintay xeebta waqooyi ee dalka Musambiik kaddib markii doonidii ay la socdeen ay kula dagtay jasiirad ku taalla waqooyiga dalkaas 10-maalmood ka hor.

"Dadka dhintay tiradooda waa 51-qof, oo isugu jiray 50 Soomaali ah iyo kabtankii doonta oo u dhashay dalka Tanzania," sidaa waxaa saxaafadda u sheegay afhayeenka booliiska Musambiik Pedro Cossa, isagoo hadalkiisa ku daray in doonidu ay ku dagtay jasiirada Suhavo oo ku taala waqooyiga dalkaas.

Afhayeenka booliisku wuxuu sheegay in doonida oo laga leeyahay dalka Tanzania ay ka timid Soomaaliya iyadoo sidda 129-qof oo tahriibayaal ah, kuwaasoo kala ahaa 89-qof oo Soomaali ah iyo 40-Itoobiyaan ah, waxayna xeebaha dalka Musambiik ku dagtay shantii bishan.

Dadkii doonida ka badbaaday oo gaaraya 78-qof ayaa la geeyay xero qoxooti oo ku taalla gobolka Nampula ee Waqooyiga dalka Musambiik, sida uu sheegay Cossa.

Toddobadkii lasoo dhaafay ciidamada dalka Musambiik waxay qabteen 123-qof oo tabriibayaal Soomaaliyeed ah, kuwaasoo gaaray jasiiradda Suhavo oo ah halkii ayku socdeen dadkii ay doonidu la dagtay.

Dalka Musambiik ayaa ah dalka ay sii maraan tahriibayaasha u socda dalka ugu dhaqaalaha badan Afrika ee Koonfur Afrika, waxaana dadkaas u badan Soomaali, Hindi, Bangaladesh iyo Shiineys.

Sannadkii lasoo dhaafay ayaa dooni wadday tahriibayaal Soomaali ah waxay ku dagtay xeebta gobolka Cabo-Delgado, waxaana shilkaas ku dhintay sagaal qof oo Soomaali ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya