3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 16, 2011
Afhayeenka Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir oo sheegay inay qabteen miinooyin meelaha fog laga hago

Arbaco, 16 Feberaayo, 2011 (HOL) – Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed G/sare C/llaahi Xasan Bariise ayaa shir jaraa'id oo uu shalay gallinkii dambe ku qabtay Muqdisho ku sheegay inay qabteen shan miino oo khatar ah, kuwaasoo uu sheegay in la doonayay in qaraxyo looga geysto degmooyinka ay dowalddu maamusho.

"Miinooyinkan waa kuwa meelaha fog-fog laga hago, waxaana kusoo qabannay howlgallo socday muddo shan maalmood ah oo aan ka sameynay degmooyinka ay dowladdu ka taliso," ayuu Bariise wariyeyaasha ugu sheegay Muqdisho.

Afhayeenku wuxuu sheegay in miinooyinkan oo noocoodu yahay kuwa lagu qarxiyo kaarayaasha aysan weli u suurogelin inay qabtaan, balse ay ku raad-joogaan, isagoo xusay in lagu soo geliyay goobaha ay dowladdu ka talis gaadiidka khudaarta qaada.

Col. Bariise wuxuu sheegay in miinooyinka ay mamnuuc tahay in lagu hayo goobaha ay shacabku joogaan, isagoo sheegay in shacabka ay gacan ka siiyeen howlgalka ay miinooyinkaan kusoo qabteen.

Ma sheegin afhayeenku degmooyinka ay miinooyinkaan kasoo qabteen, wuxuuse xusay inay socdaan baaritaanno kale oo ay doonayaan inay ku baadi goobaan qaar ka mid ah waxyaabaha qarxa.

Hadalka mas'uulkan ayaa imaanaya iyadoo toddobaadkan ay ka dhaceen goobaha ay dowladdu kaga sugan tahay Muqdisho qaraxyo bambooyin oo khasaarooyin kala duwan u geystay ciidamada dowladda iyo dad shacab ah.

Dhanka kale, guddiga amaanka baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay ka geyn doonaan xukuumadda mooshin ku aaddan inaysan ammaanka Muqdisho waxba ka qaban tan iyo markii uu baarlmaanku codka kalsoonida ah siiyay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
2/16/2011 9:03 PM EST
Muqdisho – 16 Febraayo, 2011 Dowladda ayaa xirtay shan qof oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen weerarkii Talaadadii lagu qaaday dadweyne bannaanbax nabadeed ku sameynayay agagaarka Ex-Fiyoore ee magaalada Muqisho, weerarkaas oo ay ku geeriyoodeen illaa saddex qof oo rayid ah iyo askari ka tirsanaa dowladda.

2/16/2011 9:08 AM EST
Boqollaal dadweeyne ah ayaa maanta isugu soo baxay garoonka weyn ee kubadda cagta ee degmada Baardheere kuwaasi oo ka qeybqaadanayay banaanbax roob doon ah oo ay Alle kaga baryayeen in uu ka dulqaado abaarta baahsan ee ka jirta gobolka Gedo.

2/16/2011 9:05 AM EST
Arbaco, 16 Feberaayo, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta saxaafadda kula kulmay xafiiskiisa Muqdisho ayaa cambaareeyay falkii shalay lagu dilay dadka shacabka ah ee dhidhigayay mudaaharaadka lagu taageerayo dowaldda Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay fal naxdin leh.

2/16/2011 9:04 AM EST
Arbaco, 16 Feberaayo, 2011 (HOL) – Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur (Amerika) ayaa ku guuleystay inuu xabsi ku yaalla magaalada Mombasa ee dalka Kenya ka sii daayo dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xirnaa.

2/16/2011 9:03 AM EST
Arbaco, 16 Feberaayo, 2011 (HOL) – Garoonka diyaaradaha ee Muqdsiho ayaa gallinkii dambe ee maanta waxaa laga soo-dajiyay maydadka sideed burcadbadeed Soomaaliyeed ah oo ciidamada Koonfurta Kuuriya ay ku dileen howlgal ka dhacay badweynta Hindiya bishii hore, iyadoo maydadka ay la wareegeen ciidammada AMISOM.

2/16/2011 9:03 AM EST
Arbaco, 16 Feberaayo, 2011 (HOL) – Shir aan caadi ahayn oo golaha wasiirrada Soomaaliya ay maanta ku yeesheen Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay dhacdadii foosha xumayd ee shalay ka dhacday barxada ex-fiyooraha, waxaana shirkaas guddoominayay ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka KMG ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

2/16/2011 7:20 AM EST
Arbaco, 16 February 2011 (HOL)- Munaasabad aad u ballaaran oo lagu soo bandhigayay waxqabadka shirkadda Mubaarak Group of Company ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee Rukhsan ee magaalada Garowe.

2/16/2011 6:51 AM EST
Arbaco, 16 Feberaayo, 2011 (HOL) – Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta xilkii ka qaaday guddoomiyihii maamulkooda gobolka Banaadir Sheekh Cali Max'ed Xuseen, iyagoo xilkaas u magacaabay mas'uul cusub oo lagu magacaabo Sheekh Maxamed Xasan Cumar (Abuu-C/raxmaan).

2/16/2011 6:49 AM EST
Arbaco, 16 Feberaayo, 2011 (HOL) – Hay'adda Daryeel Bulsho Guud (DBG) ayaa maanta deeq dawo ah oo ka timid dalka Jarmalka ku wareejisay isbitaallada Madiina iyo Banaadir, iyadoo ay sheegeen mas'uuliyiinta hay'adda inay dawooyinkan qaybta ka harsan ku wareejin doonaan isbitaallada Dayniile iyo Keysanye toddobadka soo socda.

2/16/2011 6:48 AM EST
Arbaco, 16 Feberaayo, 2011 (HOL) – Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo waxgarad kasoo jeeda beesha Abgaal ayaa falkii lagu dilay dadka rayidka ah ku eedeeyay maamulka gobolka Banaadir, iyagoo codsaday in ciidankii falkaas ka dambeeyay la horkeeno sharciga.

2/16/2011 5:35 AM EST
Arbaco, 16 Feberaayo, 2011 (HOL) Kadib dagaal culus oo maalintii shalay xoogag ka tirsan kuwa xarrakada Al-shabaab iyo kooxaha ka soo horjeeda ku dhaxmaray deegaannka Baar-dhuyac oo ka tirsan goballka Hiiraan ayaa wararkii ugu danbeeyay waxaa ay sheegayaan in xaaladu tahay mid degan.

2/16/2011 2:37 AM EST
Arbaco, 16 February 2011 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa is-hortaagay qorshe Qaramada Midoobay ku doonaysay inay Somaliland kaga dhisto maxkamad gaar u ah qaadista dacwadaha maxaabiista budhcad-badeedda Soomaalida ee caalamku qab-qabto.

2/16/2011 1:56 AM EST
Arbaco, 16 February 2011 (HOL)- Allaha u naxariistee waxa xalay magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday Fannaankii/Muusigyahankii hobolladii Waaberi Axmed Cali Haaruun (Dararamle).

2/16/2011 1:43 AM EST
Arbaco, 16 Feberaayo, 2011 (HOL) – Dowladda Uganda oo hoggaamisa howlgalka Midowga Afirka ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa jawaab ka bixisay eedeymo ay haya'dda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ku sheegtay in ciidamada AMISOM ay duqeeyaan goobaha ay shacabku ku badan yihiin ee Muqdisho.

2/16/2011 1:42 AM EST
Arbaco, 16 Feberaayo, 2011 (HOL) – Ugu yaraan 50-qof oo Soomaali ah ayaa ku dhintay xeebta waqooyi ee dalka Musambiik kaddib markii doonidii ay la socdeen ay kula dagtay jasiirad ku taalla waqooyiga dalkaas 10-maalmood ka hor.