4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 27, 2011
Shil baabuur oo ay ku dhinteen dad aad u badan oo Muqdisho ka dhacay

Talaado, December 27, 2011(HOL): Shil baabuur oo ah midkii uu waxyeellada badnaa ayaa wuxuu 6-dii maqribnimo ee waqtiga geeska Afrika ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Shaqaalaha ee Waddada Makka Al-Mukarrama, iyadoo shilkaasna uu geystay dhimashada  dad ka badan 10 ruux iyo dhaawac ka badan 30 ruux oo kale.

Shilka ayaa wuxuu ku dhacay si kedis ah, kaddib markii gaari nooca xamuulka qaado ah oo ay saarnaayeen dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay uu ku rogmaday Isgoyska shaqaalaha, iyadoo sababtana lagu sheegay in gaariga oo yimid dhinaca Isgoyska Dabka, isla markaana xawaare sare ku socday uu darawalka gaariga damcay in gaariga oo xoog ku socda uu ku leexiyo Waddada Makka Al-mukarrama, hayeeshee uu gaarigii rogmaday.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxay ahaayeen taageerayaal Isboorti oo ka yimid garoonka Kubadda Cagta Conis Stadium ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku soo daawadeen ciyaar ka tirsaneyd tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir, taasi oo galabta dhexmartay Kooxaha Degmooyinka Yaaqshiid iyo Wadajir.

Sida ay dad goob-joogayaal ah noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka dhintay ayaa waxaa ku dul fariistay gaariga oo ahaa nooca loo yaqaano N. 3, kuwaasi oo gaariga laga soo hoos bixiyay meydkooda kaddib markii ay Ciidamada Amisom ay gurmad ahaan u keeneen gaari Wiish leh oo dadkii meydka ahaa looga qaaday gaarigii ku dul fadhiyay.

Meydadka iyo dhaawaca uu shilkaas geystay ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka Amisom iyo Isbitaalka Madiina, iyadoo ay xusid mudan tahay in gebi ahaanba dadka shilkaas wax ku noqday ay ahaayeen dad dhalinyaro ah oo Isboortiga aad u jecel.

Shilkan ayaa lagu tilmaamay midkii ugu waxyeellada badnaa marka loo eego tirade dadka ku geeriyooday iyo kuwa ku dhaawacmay intaba.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]