4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 27, 2011
Ra'iisul wasaaraha Somalia iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo safar dhulka ah ku tagay Magaalada Boosaaso

Talaado, December 27, 2011 (HOL) − Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Dr Cabdiweli Maxmed Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar dhinaca dhulka ah ku tagay goor-dhaweyd magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Wafdiga ra'iisul wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah madaxweynaha Puntland, Dr C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya.

Safarka ra'iisul wasaaraha, madaxweynaha Puntland iyo xubnaha la socda ayaa kasoo billowday saakay aroortii hore magaalada Garoowe ere xarunta Puntland oo lagu soo gabgabeeyay shirkii wadatashiga ee dhinacyada Soomaalida.

Ra'iisul wasaaraha iyo xubnaha safarkiisa ku wehliya ayaa waxay ku hakadeen degmada Qardho iyagoo halkaas kula hadlay dadweyne badan, waxayna uga gudbeen xeradaha tababarka booliiska ee Carmo oo halkaasoo uu kula hadlay ciidammo tababar ku qaadanayay.

Si weyn ayaa loogu soo dhaweeyay ra'iisul wasaaraha iyo wafdigiisa magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, balse lama sheegin inta maalmood ee safarkan uu qaadanayo, balse waxaa la sheegay in dhowr goobood uu booqan doono inta uu ku sugan yahay Boosaaso.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay iyadoo goobaha qaarkood hakad la geliyay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha, waxaana booqashadan ay noqonaysaa tii ugu horreysay oo uu ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ku tago Boosaaso.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya