4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 27, 2011
Burcadbadeedda Soomaalida oo Afduubtay Markab laga leeyahay dalka Talyaaniga iyo shaqaalihii la socday

Talaado, December 27, 2011 (HOL) − Burcadbadeed Soomaaliyeed ayaa la sheegay inay afduub ku qabsadeen maanta oo Talaado ah markab kuwa shidaalka qaada ah oo laga leeyahay dalka Talyaaniga iyo 18-shaqaale ah oo la socda.

Warsaxaafadeed ay soo saartay shirkadda markabka iska leh oo lagu magacaabo Marnavi ayaa waxay sheegtay in markabkeeda oo magaciisu yahay Enrico Ievoli lagu afduubay meel ku dhow xeebaha dalka Cummaan.

Shaqaaaha markabka la socda ayaa waxay isugu jiraan lix Talyaani ah, shan dalka Ukrain u dhashay iyo toddoba qof oo u dhashay dalka Hindiya, iyadoo markabka la sheegay in la weeraray aroornimadii hore ee saakay oo Talaado ah.

Markabka la afduubay ayaa la sheegay inuu sido kiimiko, iyadoo faahfaahin intaas ka badan aysan bixin shirkadda markabka iska leh iyo dowladda Talyaaniga intaba.

Afduubka markabkan ayaa imaanaya iyadoo maalmo madaxfurasho lacageed lagu sii-daayay markabka nooca shidaalka qaada ah oo laga leeyahay dalka Talyaaniga kaasoo afduub loo haystay tan iyo horraantii bishan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya