4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 27, 2011
Markab saanad iyo sahay u wada ciidamada dalka Jabuuti oo si qarsoodi ah ugu soo xirtay Dekedda Muqdisho

Talaado, December 27, 2011 (HOL) − Markab saanad ciidan u wada ciidamada dalka Jabuuti ayaa labadii casho ee lasoo dhaafay ku xirnaa dekedda Muqdisho iyadoo laga dajiyay qalabkaas oo ay ku jiraan gaadiidka dagaalka iyo sahayda ciidamada.

Wararka ku dhowdhow dekedda Muqdisho ayaa sheegaya in markabkan uu ugu soo xirtay dekedda Muqdisho si qarsoodi ah, iyagoo sheegay in xilliga habeenkii ah laga dajin dajiray saanada uu wado.

"Saanaddu waxay isugu jirtaa qalab ciidan, gaadiid dagaal oo ay ku jiraan taangiyo iyo weliba sahayda ciidamada," ayuu yiri mid ka mid ah howlwadeennada dekedda Muqdisho oo codsaday inaan magaciisa la sheegin.

Ciidamada dalka Jabuuti ayaa waxay todobaadkii hore yimaadeen Muqdisho iyagoo ka mid noqonaya ciidamada AMISOM ee dowladda KMG ah caawinaya, kuwaasoo tiradoodu ay tahay 9,600-askari oo ka socda dalalka Uganda iyo Burundi.

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaan ka hadlin markabka saanada iyo qalabka ciidan u wada ciidamada Jabuuti ee kusoo xirtay dekedda Muqdisho, iyadoo markii la keenay ciidamada Uganda iyo Burundi sidoo kale qalabkooda ciidan iyo saanadooda laga soo dajiyay dekedda Muqdisho.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in lasoo dhameystiro ciidamada Jabuuti ee ka mid noqonaya AMISOM, kuwaasoo tiradooda lagu sheegay 900-askari oo 250 ka mid ah la sheegay inay yihiin tababarayaal halka kuwa kalena ay qayb ka noqonayaan howlgallada socda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya