3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 27, 2011
Maxabiis Itoobiyaan ah oo sheegay inay cuntadii ka soomeen illaa inta laga sii-daynayo Xabsiga ay ku xiran yihiin

Talaado, December 27, 2011 (HOL) − Qaxooti Itoobiyaan ah oo dhawaan ay xabsi u taxaabtay wasaaradda arrimaha guduhu Somaliland ayaa sheegay inay cuntadii ka soomeen kaddib markii ay sheegeen in cadaalad-darro lagu xidhay.

Qaxootigan oo ka cabanayey hay’ada Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sheegay inuu wasiirka arrimaha guduhu ka raacay hay’adaasi, isla markaana amar ku siiyay inuu xiro dhammaan guddigii ay qaxootigaasi iska soo xuleen oo rag iyo dumarba isugu jiray.

Dadkan qaxootiga ah ee cabanayey ee xabsiga loo taxaabay ayaa eheladoodu HOL u sheegay inay cuntadii joojiyeen ilaa inta xabsiga laga soo daynayo aanay cunto cunayn.

"Habeen hore ayey diideen inay wax cunto ah cunaan oo aanu u gayno, waxaanay yidhaahdeen cunto ma doonayno ilaa inta aanu xabsiga ka baxayno oo aanu cadaalad helayno" sidaas waxa yidhi Qaar ka mid ah eheladii dadkan xidhxidhan oo aanu arrintan wax ka waydiinay.

"Hay’adaha xuquuqda adaamaha ee Somaliland waxaanu ka codsanaynaa in arrimahayaga hoos u eegaan" ayuu mid ka mid ah Qaxootigan Itoobiyaanka ah oo ka cabanayey cadaalado daro..

Dadkan Qaxootiga ayaa muddo bil ku dhow ka cabanayey hay’ada UNHCR ee qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga, waxaanay ku eedeeyeen hay’adaasi inay ka jareen caawimo ay siin jreen, haseyeeshee, waxa Qaxootigan iyo masuuliyiin ka tirsan UNHCR kulan la yeeshay wasiirka Daakhiliga Somaliland balse markii uu kulankii dhamaaday ayuu wasiirku amar ku bixiyey in la xidho sida ay noo sheegeen ehelada dadkan la xidhay ee Itoobiyaanka ah.

Waxaanay sheegeen in wasiirku ku amray inay ka guuraan halka ay degan yihiin, isla markaana ku noqdaan dalkoodii, hasyeeshee arrintaasi waxa si weyn uga cawday qaxootigan oo sheegay in aanay dalkoodii ku noqon Karin sababo amni dartood.

Eheladda dadkan xidhan ayaa sheegay inay cunto joojinta ay ku dhawaaaqeen maxaabiistaasi u gudbiyeen wasaaradda Daakhiliga balse aanay wax garowshiiyo ah ka bixin arrintaasi.

Waa markii ugu horaysay oo dad ajanabi ah oo Somaliland ku xidhani sheegaan inay cuntada joojiyeen, ilaa haddana xukuumadda wax war ah kama soo saarin arrintaasi.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
12/27/2011 12:34 PM EST
Talaado, December 27, 2011(HOL): Shil baabuur oo ah midkii uu waxyeellada badnaa ayaa wuxuu 6-dii maqribnimo ee waqtiga geeska Afrika ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Shaqaalaha ee Waddada Makka Al-Mukarrama, iyadoo shilkaasna uu geystay dhimashada dad ka badan 10 ruux iyo dhaawac ka badan 30 ruux oo kale.

12/27/2011 10:30 AM EST
Talaado, December 27, 2011(HOL): Munaasabada oo ka dhadcay Magaalada Phoenix Arizona ee Dalka Mareykanka oo ay ka qeybgaleen Mas'uuliyiin ka socotay Jaaliyadaha Gobalka iyo weliba mas'uuliyiin kale oo ka socotay Ururrada Bulshada Rayidka, Saxaafadda qeybaheeda kala duwan ayaa lagu cambareyaay dilalka gaadmada ah ee loo geysta Culuma'udiinka, Aqooyahannada, waxgaradka iyo Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

12/27/2011 9:38 AM EST
Talaado, December 27, 2011(HOL): Cabsida ah in ay xirmaan xawaaladaha Soomaalida ee gobolka Minnesota ayaa ah mid taagneyd mudooyinkii ugu dambeeyey, hasa ahaate waxaa ay cirka isku sii shareertay kadib markii bangigii horay ugu dhawaaqay in uu joojinayo adeegyada uu u sameeyo xawaaladaha uu sii adkeeyey go’aankiisi, waxaana warqad qoraal ah oo uu bangigaan jimcadii u soo diray xarumaha xawaaladaha uu ku sheegay in aysan wali waxba iska badalin go’aankiisi uu horay u gaaray, isla mar ahaantaasina uu si kama dambeys ah u xiri doono guud ahaan xisaabadkooda 30-ka bishaan December.

12/27/2011 8:29 AM EST
Talaado, December 27, 2011 (HOL) − Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Dr Cabdiweli Maxmed Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar dhinaca dhulka ah ku tagay goor-dhaweyd magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

12/27/2011 8:17 AM EST
Talaado, December 27, 2011 (HOL) − Burcadbadeed Soomaaliyeed ayaa la sheegay inay afduub ku qabsadeen maanta oo Talaado ah markab kuwa shidaalka qaada ah oo laga leeyahay dalka Talyaaniga iyo 18-shaqaale ah oo la socda.

12/27/2011 8:16 AM EST
Talaado, December 27, 2011 (HOL) − Ugu yaraan saddex qof oo mid ka mid ah uu yahay sarkaal ka tirsan ciidamada miino-baarista ee Puntland ayaa ku dhintay qarax maanta ka dhacay bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

12/27/2011 8:16 AM EST
Talaado, December 27, 2011 (HOL) − Markab saanad ciidan u wada ciidamada dalka Jabuuti ayaa labadii casho ee lasoo dhaafay ku xirnaa dekedda Muqdisho iyadoo laga dajiyay qalabkaas oo ay ku jiraan gaadiidka dagaalka iyo sahayda ciidamada.

12/27/2011 7:18 AM EST
Talaado, December 27, 2011 (HOL) − Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay 200-dagaalayahan oo ka tirsan Al-shabaab ay ku dishay duqeyn dhinaca cirka ah oo ay habeenkii Axadda ay u geysteen degmada Badhaadhe iyo deegaanka Kulbiyoow ee gobolka Jubbada hoose.

12/27/2011 7:14 AM EST
Talaado, December 27, 2011 (HOL) − Xaaladda qoysaska dan-yarta ah ee ku nool xeryaha barakacayaasha Beledweyne oo markii horeba iska ahayd mid liidata ayaa hadda la oran karaa waxaa dhibaatadii ugu darnayd ay soo food-saartay caruurta da’doodu ka yar tahay yar tahay shan sano ee ku nool xeryahaas.

12/27/2011 6:46 AM EST
Talaado, December 27, 2011 (HOL) − Tirada haweenka barakacayaasha ah ee ku jira xeryaha Muqdisho oo sare u kacday, sida ay sheegeen ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed, iyagoo xusay haweenka barakacayaasha ah ay cabsidu ku korortay.

12/27/2011 6:44 AM EST
Talaado, December 27, 2011 (HOL) − Urur Siyaasadeed Cusub oo loogu magac-daray Damal oo maanta looga dhawaaqay hotel Maansoor ee magaaladda Hargeysa. Ku dhawaaqista ururkan cusub ayaa waxa ka soo qaybgalay boqolaal ka mid ah dhalinyarada, haweenka iyo Odayaal, kuwaas oo soo dhoweeyey ururkan cusub.

12/27/2011 5:40 AM EST
Talaado, December 27, 2011 (HOL) − Dagaal xooggan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu xalay, ilaa shalay galab uu ka soconayay deegaanka Jazriidda Buurgaabo ee koonfurta gobbolka Jubada hoose kaasoo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Kenya ee isgarabsanaya iyo Alshabab.

12/27/2011 2:27 AM EST
Talaado, December 27, 2011 (HOL) − Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dadaal ugu jira sidii uu u dhexdhexaadin lahaa xildhibaannada baarlamaanka oo uu u dhexeeyo khilaaf ka dhashay xil ka qaadis lagu sameeyay guddoomiyaha abarlamaanka Shariif Xasan.

12/27/2011 2:19 AM EST
Talaado, December 27, 2011 (HOL) − Laba qof ayaa u geeriyooday, toddoba kalana waa ku dhaawacmayn ka dib markii Gaadhi weyn uu maanta duhurkii galay maqaaxi laga buuxay oo ku taallay xaafadda Qudhac dheer ee magaaladda Hargeysa.