4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 27, 2011
Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliya oo sheegay inay kordheen kufsiga loo geystay haweenka Barakacayaasha ah

Talaado, December 27, 2011 (HOL) − Tirada haweenka barakacayaasha ah ee ku jira xeryaha Muqdisho oo sare u kacday, sida ay sheegeen ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed, iyagoo xusay haweenka barakacayaasha ah ay cabsidu ku korortay.

Barakacayaal badan oo uga soo cararay deegaannadii ay ku noolaayeen oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya abaaro iyo colaado ku habsaday iyagoo u yimid Muqdisho si ay u helaan cunno iyo nabadgalyo.

"Waxaan magaaladan ka jira dhibaato kufsi, waana middii ugu badnayd ee aan abid aragno," ayay tiri Mama Xaawo Xaaji oo ka mid ah urur u dhaqdhaqaaqa haweenka. "Tusaale ahaan, labadii maalmood ee lasoo dhaafay oo keliya waxaan isbitaallada geynay 32 haween ah oo la kufsaday; sidoo kale afartii bilood ee lasoo dhaafay waxaan diiwaangellinay 80-kiis oo kufsi ah."

Mama Xaawo waxay sheegtay in tirada ay sare u sii soconayso, waxayna intaas ku dartay inay jiraan haween badan oo qarsada kufsiga loo geystay, iyagoo ka baqdin qaba in kuwii kufsaday ay mar kale dhibaatooyin u geystaan.

"Inta badan kufsiga waxaa geysta ciidamada dowladda KMG ah ee loogu talogalay inay ilaaliyaan haweenka ku jira xeryaha; tanina waa mid cabsida haweenka ku jira xeryahaas kordhinaysa," ayay Mama Xaawo hadalkeeda ku dartay.

Mama Xaaji waxay hadalkeeda ku dartay in dadka ku jira kaamamka aysan haysan ilaalo lagu kalsoonaan karo, ayna haweenku qarka u saaran yihiin in la kufsado.

Sidoo kale, Maxamed Mooge oo ah dhaqdhaqaaqe dhinaca xuquuqda aadanah ah ayaa sheegay in xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya aysan koontaroolin askarteeda.

"Dowladdu awood uma lahan xitaa inay koontaroosho xoogaggeeda. Taasi waxay keentay in la boobo raashinka gargaarka ah, dhibaataduna ma ahan oo keliya kufsi loo geysto haweenka," ayuu Mooge u sheegay IRIN.

Mid ka mid ah mas'uuliyiinta ururrada bulshada rayidka ah oo codsaday inaan la sheegin magaciisa ayaa us heegay wakaaladda wararka Qaramada Midoobay ee IRIN in xerada Badbaado oo ah midda ugu weyn ee Muqdisho ku taalla oo ay maamusho DKMG ah uu ku dhintay cunug yar kaddib markii ay ku istaagtay haweeney ka cararaysay in la kufsado.

Guddoomiyaha hay'adda maareynta musiibooyinka Qaranka, C/llaahi Maxamed Shirwac ayaa sheegay inay u gudbiyeen xukuumadda qorshe ku saabsan sidii lagu difaaci lahaa barakacayaasha ku jira kaamamka Muqdisho.

"Waxaan xukuumadda kula talinay in la sameeyo koox gaar ah oo ilaalisa kaamamka; sidoo kale waxaan ku talinay in qof walba oo ka mid ah ciidamada amaanka ama aan ahayn oo kufsi geysta in la xiro si dhaqso ahna loo xukumo," ayuu yiri Shirwac.

Mudane Shirwac wuxuu sheegay in hay'adoodu ay sugayso jawaabta ay golaha wasiirrada DKMG ah ka bixiyaan qorshooda ku aaddan difaacidda barakacyaasha. "Waxaan rajeynaynaa inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga soo baxdo jawaab wax ku ool ah."

Ugu dambeyn, Maama Xaawo Xaaji ayaa sheegtay inay ugu baaqayso ragga Soomaaliyeed inay ogaadaan in hooyooyinkood ay yihiin hween, gabdhahoodu ay yihiin haween, walaalahood iyo xaasaskooduna ay yihiin haween sidaas darteedna ay joojiyaan kufsiga ay haweenka u geysanayaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya