4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 27, 2011
Urur Siyaasadeed cusub oo guddoomiye uu ka yahay Maxamed Cumar Carte oo looga dhawaaqay Magaalada Hargeysa

Talaado, December 27, 2011 (HOL) − Urur Siyaasadeed Cusub oo loogu magac-daray Damal oo maanta looga dhawaaqay hotel Maansoor ee magaaladda Hargeysa. Ku dhawaaqista ururkan cusub ayaa waxa ka soo qaybgalay boqolaal ka mid ah dhalinyarada, haweenka iyo Odayaal, kuwaas oo soo dhoweeyey ururkan cusub.

Ururkan Cusub waxa gadhwadeen ka ah aqoonyahan dhalinyaro ah oo magaciisa la yidhaa Maxamed Cumar Carte, waxaanay halkaasi ka sheegeen in doorkan la gaadhay doorkii ay dhalinyarada talin lahayd, isla markaana uu dalku u baahan yahay isbedel siyaasadeed oo ay hogaanka u qabtaan talada Somaliland.

Guddoomiyaha ururka Maxamed Cumar Carte, ayaa sharaxaad ka bixiyey ujeedada loo aasaasay ururkan, "Ururkan Aasaaskiisa waxa xudun u ah wada tashi, sinaan, cadaalad, horumar iyo in jiilka dambe loo jeexo hilinkii ay u raaci lahaayeen nidaam siyaasiya oo ku dhisan talo wadaag iyo ka qaybgal dhab ah" ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray inay diyaarinayaan qorshihii ay dhalinyarada iyo haweenku looga qaybgalin lahaa taladda dalka, isla markaana dhalinyarada loo samayn lahaa dhiirigalin dhinac walba ah.

Guddoomiyaha Damal waxa uu tilmaamay inuu wax ka qaban doono dadka la hayb-sooco, xidhiidhka iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland la leedahay caalamka, waxa kale oo uu xusay inuu wax ka qaban doono arrimaha dhaqaalaha iyo isku filnaanshaha dalnimo.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Xaawa Axmed Barkhad, Suldaan Axmed Daahir, Ifraax Cali Jibriil, Jamaal Cali Xuseen, Cabdiqaadir Ducaale iyo Abwaan Beer Leex, kuwas oo dhamaantood tilmaamay in la taageero urur siyaasadeedkan cusub.

Guddoomiyaha Urur siyaasadeedkan Maxamed Cumar Carte, ayaa waxa dhalay siyaasi weyn oo gayiga soomaaliyeed aad looga yaqaan Cumar Carte Qaalib, xilal kala duwana ka qabtay dawladii ugu dambaysay ee Soomaaliya ee Maxamed Siyaad Bare.

Diiwaan-gelinta ururada siyaasada ee Somaliland ayaa wakhtigii loo qabtay ay ka hadhsan tahay maalinta bari oo qudha, waxaana la soo afjarayaa in la diiwaangeliyo wixii ka dambeeya barri oo bishu tahay 28/12/2011.

Ururada siyaasadeed ee ku dhawaaqay inay u tartamayaan taladda dalka ayaa cago cagaynaya 23 urur siyaasadeed, iyadoo ka batay intii la filayey inay ku dhawaaqaan, inkastoo tirada bixisay lacagtii diiwaangelintu ay ka yartahay intan ku dhawaaqday haseyeeshee waxa si rasmi ah loo kala ogaan karaa inay ururada ku dhawaaqay buuxiyeen shuruudihii ururnimo iyo in kale maalmaha soo socda.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland