4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 27, 2011
Shil gaari oo ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Magaaladda Hargeysa ee xarunta Somaliland

Talaado, December 27, 2011 (HOL) − Laba qof ayaa u geeriyooday, toddoba kalana waa ku dhaawacmayn ka dib markii Gaadhi weyn uu maanta duhurkii galay maqaaxi laga buuxay oo ku taallay xaafadda Qudhac dheer ee magaaladda Hargeysa.

Gaadhigan shilka geystay ayaa ah gaadhi xamuul ah oo loo yaqaan Waaraadka, waxaanu dul maray dhismayaal goobta ka agdhowaa, taasina waxay keentay dhimasho laba qof iyo dhaawac toddoba qof ah, sida ay noo xaqiijiyeen hawl-wadeenadda Caafimaada ee cisbitaalka magaaladda Hargeysa.

Alla ha u naxariistee labadan qof ee dhintay ayaa magacyadooda la odhan jiray Marxuum Biixi Xasan Cali iyo Marxuum Muxumed Aw Jaamac, dadkan dhaawaca ah ayaa iskugu jireen qaar dhaawacooga fudud yahay iyo kuwa uu culus yahayba.

Shilkan ayaa dhacay abaaro wax yar ka hor salaadii duhur, waxaana dadkan usoo gurmaday dadkii ka ag dhowaa, waxaanay soo gaadhsiiyeen cisbitaalka magaaladda Hargeysa.

Si kastaba ha ahaaate, khasaaraha mood iyo maal ee ay gaadiidku geystaan ayaa baryahan dambe ku soo badanaya Somaliland.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland