4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 15, 2011
Ciyaaryahan Cabdi Nageeye oo kaalin fiican ka galay cayaaraha tartanka Orodka Koobka Qaramada Yurub (EK Cross)


Khamiis, December 15, 2011 Ciyaaryahan Cabdi Nageeye waa wiil Soomaaliyeed oo degan magaalada Nijmegen ee dalka Holland, islamarkaana u orda dalka Holland oradada dhaadheer .

Cabdi Nageeye ayaa todobaadii laga soo gudbey wacdaro ka soo dhigey koobka cayaaraha Qaramada Yurub ee lagu qabtey magaalada Velenje ee dalka Slovenia.

Isagoo joogo magaalada Velenje ayaa qadka Internetka kula xiriirey si aan wax uga ogaado tartanka uu ka qayb galey iyo kaalinta uu ka galey iyo guud ahaan xaaladiisa  ayaa wuxuu ii sheegay inuu aad ugu faraxsan yahey  guusha iyo horumarka u sameeyay labadii bilood ee la soo dhaafey, marka loo eego sanadkii hore heerka uu taagnaa  sida uu yiri ciyaaryahankaan Soomaaliyeed.

Hada mar walbo waan sii wanaagsanaanayaa, waxaana dareemayaa isbadal xaga oradkeyga, waxaan helay macalin cusub oo la yiraahdo Joshua Mols.

Koobkii oradada dalka Holland oo dhan oo aan ka soo qayb galey sanadkaan  2011, waxaan ka galey kaalinta sadaxaad (NK 3de), sidaa daraadeed waxaa toos ugu gudbey inaan ka qayb galo ciyaaraha koobka oradada Qaramada Yurub (EK Cross).

Waxaana rajeynayay inaan ka mid noqdo 15-ka ugu wanaagsan (Top 15),markii oradka biloowdey islamarkiiba waxaa galey kooxda ugu horeysa, kalsooni buuxdana waan dareemay si aan ula jaan qaado tartamayaasha dalalka Yurub ka kale yimid, 4 sanadood oo waayo aragnimo ah, oo aan lahaana way i saacideysay, waxaan qaatey go’aan wanaagsan, wax qalad ah ma sameynin intuu u socdey oradkaan, waxaan ugu dambeyntii ka galey kaalinta Lixaad (6de),iyadoo aan kula loolamayay ciyaaryahano tiradoodu aheyd 105 qofood,kuwaasoo ka kale yimid dalalka Yurubta oo dhan.

Marka  aad iyo aad ayaan ugu faraxsan nahey guushaan islamarkaana waxaan dareemayaa inaan yoolkii aan islahaa gaar  oo aheyd 15 –ka ugu sareysa ama ugu wanaagsan inaan dhaafey oo  aan galey kan Lixaad Alxamdulilaahi ayuu yiri Ciyaaryahan Cabdi Nageeye oo aad ugu faraxsan warbixinta uu iga siinayay tartanka dalka Slovenia .

Meesha aan ka imid oo aan tagnaa Yusufoow labo bilood ka hor iyo maanta oo ay iga dhineyd 10 second kaalinta koowaad,  aniga iyo ciyaaryahanka kaalinta koowaad galey ee guusha ku raacdey tartankaan,waxaan u arkaa guul, run ahaantii  waxaa iga dhinaa inyar oo fagaxdii ugu dambeysay ah oo aan ka gaabiyay, balse taas oo aan xooga saari doono xaga tababarka insha Allah, si aan horumar kale u sameeyo ayuu  yiri isagoo faraxsan ciyaaryahanka Soomaaliyeed ee u orda dalka Holland ciyaaryahan Cabdi Nageeye.

Waxaa ka qayb galayaa   dhawaan 31 December 2011 tartanka lagu qaban doono magaalada Soest oo ku taal bartamaha dalka Holland(Regio Utrecht) tartanka oradka ‘’Silvester Cross ‘’, waxaana rajeynayaa inaan ku soo qatimo oradkaas  anigoo masraxa saaran oo guuleystey  insha Allah.

SSPAMEDIA waxay u rajeynaysaa guul wacan ciyaaryahan Cabdi Nageeye, waxayna jaaliyada Soomaaliyeed ee degan dalka Holland  ugu baqayaa maalintaas inay tagaan goobta lagu qabanaayo tartanka si ay u taageeraan wiilkan Soomaaliyeed una dhiiragaliyaan.

Yusuf Yusuf, SSPAMEDIA
[email protected]