4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 15, 2011
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan oo sheegay in kuwii xilka ka qaaday ay ahaayeen fowdiistayaal

Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku sugan dalka Talyaaniga ayaa sheegay inaysan jirin wax xil ah oo laga qaaday, isagoo xildhibaannadii xilka ka qaaday ku tilmaamay kuwo kasoo horjeeda Roadmap-ka oo doonaya inay fowdo abuuraan.

Shariif Xasan oo wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in xubnihii xilka ka qaaday aysan dhameyn 100-xubnood, isla markaana shirkii ay yeesheen uu ahaa mid aan sharci ahayn, wuxuuna xusay inay jabsadeen xarunta golaha shacabka.

"Qofkii xil loo dhiibto waa laga qaadi karaan, balse waxaa loo baahan yahay in la helo qaabkii looga qaadi lahaa. Waayo waxay ahayd in mas'uulkii markaas joogay uu ballamiyo xildhibaanada oo markaas cod la qaado, balse koox yar xilka igama qaadi karto," ayuu yiri Shariif Xasan.

Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in xildhibaannada xilka ka qaaday ay yihiin kuwo doonaya inay inay xoog wax ku haystaa oo la yaqaan, wuxuuna xusay inuu aamisan yahay inay dambi galeen, dambiga ay galeenna lagu qaado.

Maalin ka hor ayay ahayd markii 283-xildhibaan oo kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ay 280 ka mid ah u codeeyeen in xilka laga qaado Shariif Xasan, iyagoo isla goobta ku doortay inuu shir guddoomiye u noqdo xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed.

"Tirada la sheegay iyo qaabka xilka la iiga qaaday ma ahan mid jirta, waxay ahayd in la keeno sanduuqii la igu doortay oo kale. Innaguna waxaan ku joognaa heshiiskii Kampala oo ay iyagu ansxiyeen," ayuu yiri Shariif Xasan.

Guddoomiyuhu wuxuu ka gaabsaday inuu ka hadlo warsaxaafadeed uu madaxweyne Sheekh Shariif uu kaga hadlay xil ka qaadista lagu sameeyay oo uu ku sheegay in lagu soo aadiyay xil ka qaadista xilli xasaasi ah, wuxuuna afhayeenku sheegay in uusan arkin qoraalkaas.

"Ma filayo in madaxweynuhu uu lug ku leeyahay wax dalka lagu burburinayo, runtii hadallada uu ku sheegay qoraalkana ma filayo inuu yiri," ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo intaa ku daray inuusan ogeyn sabab loo haysto oo xilka looga qaadayo, mar haddii uusan waqtigii ka dhamaan.

Sidoo kale, afhayeenka baarlamaanka wuxuu gaashaanka ku dhuftay inuu hor-joogsaday kulamada baarlamaanka, isagoo sheegay in baarlamaanka aan raashin lagu karin, balse loo baahan yahay inay xukuumaddu ajande keento.

"Xidlhibaanadu waxay i weydiisteen Roadmap-ka, aniguna waxaan warqad u qoray xukuumada, waxayna ii sheegeen inay horkeeni doonto 19-ka bishan, marka haddii aysan wax ku dag-dagayn waxay hadda sameeyeen ma sameyn, dalkana rakaato laguma haysan karo isbaarana looma dhigan karo," ayuu Shariif Xasan yiri.

Mar uu ka hadlay Roadmap-ak wuxuu sheegay inuu yahay mid ummadda Soomaaliyeed meel wanaagsan geynaya, isaga iyo madaxweynahana ay dhowr jeer ka hadleen furlinta heshiiskaas isaguna uuna u sheegay inuu raalli ka yahay dhaqan-gelintiisa.

Su'aal ahayd sida uu u arko aamusnaanta ra'iisul wasaare C/weli Maxamed Cali ee arrintan ku aaddan ayuu kaga jawaabay inuu u arko inay tahay in wanaag la helo khilaafkana uu meesha ka baxo oo keliya.

Ugu dambeyn, waxaa la weydiiyay waxa u qorsheysan ee uu sameynayo, ayuu ka gaabsaday, wuxuuna sheegay inuu dhawaan u socdo Muqdisho halkaasna ay ku sugan yihiin xildhibaannadu baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya