4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 15, 2011
Golaha Wasiirrada Xukuumada Somalia oo Muqdisho ku yeeshay Kulan ay uga hadleen ammaanka iyo waxqbadka Wasaaradaha


Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Shir ay maanta Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirada dowladda Soomaaliya ayaa uuna shir guddoominayay ra’iisul wasaare Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin xoojinta amniga dalka, gaar ahaana Muqdisho, waxqabadka xukuumada, miisaaniyad-sanadeedka dowladda, shirka wadatashiga ee lagu ka dhici doona Garoowe iyo warbixin halka uu marayo gargaarka barakacayaasha.

Waxaa ugu horreyn kulanka lagu dhageystay warbixin la xiriirta amniga Muqdisho oo hay’addaha qaabilsan amniga ay soo jeediyeen, iyagoo xusay in amniga Muqdisho uu kasoo raynayo ayna ku guuleysteen ka hortaga falalkii qaraxyada ahaa ee lala beegsanayay goobaha shacabku ku badan yahay, waxayna xuseen inay fashiliyeen qaraxyo iyo miinooyin lala damacsanaa in lagu dhibaateeyo hay’addaha dowladda KMG ah

Madaxda amnigu waxay xuseen howlgallo ay sameeyeen ciidamada ammaanku inay kusoo qabqabteen dad lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen amni-xumida, iyagoo tilmaamay inay ku jireen dadkaas kooxo burcad ah oo dadweynaha isbaaro u dhigan jiray kana qaadan jiray taleefoonnada gacanta iyo waxyaabaha kale ee ay sitaan.

Intii uu kulanku socday ayay wasaaradda maaliyadda iyo lacagta DKMG ah waxay soo bandhigtay miisaaniyad-sannadkeedka 2012, iyadoo ay miisaaniyadan xoogga lagu saaray sidii loo yareyn lahaa ku tiirsanaanta deeqaha dibadda ka yimaada, looguna tashan lahaa dakhliga gudaha iyo canshuuraha berriga.

Sidoo kale, golaha wasiiraddu waxay ka hadleen waxqabadka wasaaradaha iyadoo wasaarad kastana ay sharraxaad ka bixisay waxqabadkeeda afartii bilood ee lasoo dhaafay.

Ra’iisul wasaaraha oo shir guddoominayay ayaa u sheegay wasiirrada in wasaarad walba la qiimeyn doono waxqabadkeeda iyo horumarkeeda ay sameysay intii ay jirtay laguna abaal-marin doono hadba inta uu wasaarad walba le'eg yahay waxqabadkeeda.

Ugu dambeyn, golaha wasiiradu xukuumadda KMG ah waxay ka wadahadleen shirka lagu wado inuu ka dhoco magaalada Garoowe ee xarunta Puntland maalmaha soo socda, iyadoo ra’iisul wasaaruhu uu sheegay in qabanqaabada shirkaas ay si hab-sami leh u socoto isla markaana uu qabsoomi doono xilliga loogu talogalay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya