4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 15, 2011
Qaxootiga Itoobiyaanka ah ee deggen Hargeysa oo nolol xumo ay lasoo daristay markii ay UNHCR ka jartay caawimadii ay siin jirtay

Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Saddex kun iyo shan boqol oo qof oo Qaxooti Itoobiyaan ah ayaa si weyn uga cawday hay’adda UNHCR, taas oo ay ku eedeeyeen inay ka jareen raashin iyo waxyaalihii nolosha u aasaasiga ahaa in lagu noolaado oo ay hore u siin jirtay balse afar sanadood aanay arag caawimadii loogu talogalay qaxotoogin oo ay sheegeen in laga jaray.

Qoxootigan Itoobiyaanka ah oo ka soo jeedda Qoomiyadda Oromada oo ku nool magaaladda Hargeysa ayaa degay meel banaan ah, kuwaas oo dhaxanta iyo qabowga faraha badan ee bishii u dambaysay ka dhacaysay magaaladda Hargeysa aanay hoy iyo Hu ay kaga gabadaan dhaxantaasi haysan, taasina ay keentay in afar caruur ah ay qabowgaasi iyo nolol xumadda ka jirta u geeriyoodeen, halka laba haween oo ka mid ah qoysaskaasina ay ku umuleen.

Shabakadda caalamiga ah ee HOL oo maanta boqotay goobtan ay degan yihiin Qaxootiga Itoobiyaanka ah ayaa waraysi la yeeshay qaar ka mid ah dadkan, oo nolol xumo weyni ku muuqato, isla markaana aanay haysan waxyaalihii lagama maarmaanka u ah nolosha aasaasiga ah sida Caafimaadka, Cuntada iyo hoy ay dhaxanta ka galaan, sidoo kale waxa goobtan oo ay is dul tuulan yihiin qaxootigu ka dhalan kara caafimaad daro saamayn ku yeelan kara guud ahaan Somaliland.

Meeshan ay dadkani iskugu yimaadeen ayaa hore waxa u deganaan jiray qaxooti kooban oo ay UNHCR u kiraysay, haseyeeshee markii go’aankii xukuumadda Somaliland soo saartay inay dalka ka baxaan ajanabigu ay soo weheshadeen gurigaasi, balse uu gurigu qaadi kari waayey, taasina ay keentay in guriga dayrkiisa iyo banaan weyn oo ka horeeya ay degaan.

"Halkan umaanan iman arrimo dhaqaale balse arrimo amni ayaanu dalkayaga uga nimid xaga amniga waxay dadkayagu halis ugu jiraan dadka halkan laga qaado ee la geeyo Itoobiya, kuwaas oo aanan garanayn waxa ku dhici doona, maadaama oo ay sidaas tahay waxaanu doonaynaa in aanu hal meel ku wadda dhimano," ayuu yidhi mid ka mid ah qoxootigan oo magaciisa ka gaabsaday.

"Halkan waxa ay iskugu yimaadeen intii ay Somaliland tidhi dadka ajanabiga ahi ha naga baxaan, halkan markii aanu nimid wax caawimo iyo gaargaartoona ma hayno, marka aanu UNHCR u tagnayna waxba idinma hayno ayey nagu tidhi, dhamaan qoysaskani waxay wadda sitaan kaadhadh sheegaya qaxootinimo haseyeeshee hay’adu way naga joojiyey caawimadii ay na siin jirtay" ayuu yidhi

Xukuumadda waxay ka codsadeen in arrimahooga hoos loo eego "Waxaan xukuumadda ka codsanayaa in arrimahayaga hoos la noogu eego, meel aanu naftayada, caruurtayada nabad ku helayaan ayaanu doonaynaa in xukuumaddu noo gudbiso," Qaxootigani waxa kale oo uu sheegay in dhawr qof oo iyaga ka mid ah Somaliland laga kaxeeyey loona gudbiyey Itoobiya, isla markaana ay ka werwersan yihiin halka ay ku dambeeyey, waxaanay sheegeen in Somaliland u yimaadeen arrimo nabadgalyo daro awgeed.

"Ninkayga waxa loo gudbiyey Itoobiya ilaa haddana war kama hayo waxa uu ku sugan yahay, waxaana haystaa toddoba caruur ah oo ka u yar yahay hal sanno," ayey tidhi Hooyo qaxootigan ka mid ah oo sheegtay in ninkeedii loo gudbiyey dalka Itoobiya.

Qaxootigan ayaa madaxweynaha, golaha Barlamaanka Somaliland iyo odayaasha ka codsanayaan inay Arrimahooda hoos u eegaan, isla markaana UNHCR iyo sida ay ula dhaqantay wax ula qabtaan.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland