4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 15, 2011
Saraakiishii kasoo goostay Al-shabaab ee soo biiray Dowladda KMG oo iska fogeeyay inay mas'uul ka yihiin Qaraxyada ka dhaca Muqdisho

Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Saraakiishii horay uga soo goostay Xarakada Al-shabaab oo ku biiray DKMG ah ee Soomaaliya oo maanta shir jaraa'id ku qabtay x taliskii ciidamada badda Soomaaliya ee Muqdisho oo ay ku xareysan yihiin ayaa iska fogeeyay inay ka dambeeyaan qaraxyada isdaba-joogga ah ee ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Xubnahan ayaa waxay eedeymo u jeediyeen Jen. Yuusuf Maxamed Indhacadde iyo guddoomiyaha degmada Wadajir, Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) iyagoo ku eedeeyay inay mas'uul ka yihiin dhibaatooyinka Muqdisho ka taagan.

"Inaan mas'uul ka nahay qaraxyada ka dhacaya Muqdisho ma ahan hadal naqabta waana dulmi aan loo fiirsay oo ay sheegeen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya," ayuu yiri C/qaadir Maxamed (Amiir Qurtub) oo ka mid ahaa xubnihii shirka jaraa'id qabtay. Isagoo intaas ku daray in hadalkaas uu yahay xadgudub loo geystay iyaga xilli ay kasoo goosteen Al-shabaab oo dowladda ugu soo biireen si loo sugo ammaankooda.

Sidoo kale, Baashi Maxamuud Maxamed oo ka mid ah xubnihii saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in wax lala yaabo ay yihiin in iyagoo la beegsanayo lagu eedeeyo inay mas'uul ka yihiin qaraxyada ka dhacaya Muqdisho.

"Qaraxyada ka dhacaya Muqdisho ragga ku dhimanaya waa innaga oo si gaar ah naloo beegsanayo. Waxaana mas'uuliyiinta hadalladan ay kasoo yeereen leennahay waa inaad ka fiirsataan waxaad ku hadlaysaa," ayuu yiri Baashir Maxamuud.

C/samad Faarax oo isaguna ka mid ahaa xubnihii hadlay ayaa xusay inay howlgallo badan ka sameeyeen Muqdisho tan iyo markii ay kasoo goosteen Al-shabaab ayna ku qabqabteen xubno ay yaqaannaan oo ka tirsan Al-shabaab.

"Waxaannu mar walba qabannaa xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee aanu naqaanno, xabsiyada dowladda ayayna ku xiran yihiin, qaarkii ogaaday inaan ku raad-joognana dalka way isaga baxeen," ayuu yiri C/samad Faarax oo isweydiiyay: "Sidee suurogal nooga noqonaysaa inaa mas'uul ka noqonno qaraxyada dhacaya?"

Ugu dambeyn, waxay saraakiishan ku eedeeyeen Axmed Daaci inay isbaarooyin u yaallaan degmada Wadajir oo uu ka taliyo, sidoo kalena Jen. Indhacadde ayay isna ku eedeeyeen inuu mas'uul ka yahay dhibaatooyinka ka dhacaya qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho.

Dhawaan ayay ahayd markii mas'uuliyiintan iyo xildhibaan Salaad Cali Jeelle ay ku eedeeyeen qaraxyada joogtada ka noqday Muqdisho inay ka dambeeyaan xoogaggii kasoo goostay Al-shabaab ee ku biiray dowladda uu horkacayo Sheekh Shariif.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya