4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 15, 2011
Kulan lagu falanqaynayo Xoojinta nabadda iyo horumarka gobolka Awdal oo ka furmay magaaladda Boorama (SAWIRRO)

HEER2.jpg
Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Shir balaadhan oo lagaga hadlayo nabadgalyada, horumarka, waxbarashada iyo khilaafkii dhaqan ee gobolka Awdal ka jiray ayaa shalay ka furmay Hotel Rays ee magaaladda Boorama.

Kulankan ayaa waxa soo qabanqaabiyey jaamacadda Camuud, waxaana ka qaybgalay culumo’udiinka gobolka, macalimiinta jaamacadaha, aqoonyahano iyo maamulka heer degmo iyo gobol ee Awdal.

Ugu horeyn waxa shirkan furay guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, waxaanu ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin waxbarashada, khilaafkii dhaqan ee gobolka ka jiray, doorka qurbojoogu ka qaadan karo horumarinta gobolka iyo dhacdadii dhowaan ka dhacday deegaanka Seemaal ee saddexda qof lagu dilay.

"Qabsoomida shirkan waxa uu ka dhashay arrimo badan oo gobolka ka dhacay, isla markaana ay bateen dareenada walaalaheen reer Somaliland ka qaateen waxyaalihii ugu dambeeyey ee ammandarada ahaa, waxaas oo dhan marka la isku daro, waxay naga maaransiin weyday inaanaan daawan oo aan wax uun ka qabanno" ayuu yidhi guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof: Saleebaan.

Waxa uu intaas ku daray ".waxan ka xumahay ammandarada ka dhacday agteenna ee lagu laayey dad raayid ah oo aan waxba galabsan, tacsibaan u dirayaa dadkii ay ka dhinteen iyo reer Somaliland ba, waxan madaxweynaha iyo xukuumaddiisaba ku ammaanayaa dedaalka ay arrintaasi ka galeen, ilaa imikana ay wadaan" ayuu yidhi.

HEER3.jpg

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay sheekhul baladka magaaladda Boorama, Sheekh Cabdilaahi sheekh Cali jawhar waxaanu sheekhu bulshadda ku booriyey inay nabadooda ilaashadaan, isla markaana ku dadaalaan horumarka gobolka.

Sheekh C/llaahi Jawhar ayaa xusay inay dhibaato badan usoo mareen nabadayntii Somaliland, isla markaana halgan dheer usoo galeen sidii Somaliland qaran dhisan oo luguhiisa ku istaaga u noqon lahaa, waxaanu Qurbojooga gobolka Awdal ku dhiirigaliyey inay gobolka dhisaan, isla markaana ka qaybqaataan horumarka balaadhan ee ka socda.

"Waxan la yaabaa dadkeenna debadda ee waxba ka ogeyn dhibtii innaga gaadhay dawladdnimada Somaliland, umaddi waxay horumari karta marka ay nabad haysato, mansab qof loo magacaabay ama laga qaadiyey isaga ku nool, laakiin nabaddu caan bay tahay oo wadanka oo dhan ayey faa’iido u tahay"ayuu yidhi Sheekh Cabdilaahi Sheekh Jawhar.

Iyagana waxaa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha Jaamacadda EELO, Maxamuud Cige, masuuliyiin kale, kuwaas oo dhamaantood ka hadlay horumarinta gobolka.

Shirkan Xoojinta Nabadda iyo Horumarinta Somaliland ayaa socon doono muddo laba cisho, halkaasi oo dood iyo falayn ku saabsan qaabkii loo horumarin lahaa gobolka laga diyaarin doono.

HEER.jpg

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland