4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 15, 2011
Dowladda Kenya oo Hay’adaha Samafalka ugu Baaqday inay Gargaar Geeyaan Goobaha ay ka Saareen Al-Shabaab


Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Dowladda Kenya ayaa ugu baaqday hay’adaha samafalka in ay gargaar biniaadanimo gaarsiiyaan dadka ku dhibaateeysan goobihii ay dhawaan kala wareegeen xoogaga Alshabaab ee gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

Sarkaal katirsan ciidamada Kenya oo lagu magacaabo Majar Solomon Wendegel oo warbaahinta la hadlayay ayaa hay’adaha samafalka ugu baaqay in ay kaalmo biniaadamino gaarsiiyaan dadka ku dhibaateeysan goobaha ay ka saareen xoogaga Al-shabaab.

Salkaalkan ayaa ka deyriyay nolosha dadka ku dhaqan gobollada ay ka saareen xoogaga Alshabaab oo uu sheegay in ay ku noolyihiin dad aad u dhibaateeysan, waxaana uu codsaday in loo gurmado dadkaasi isagoona sheegay in ay haatan jirin sabab keeni karta in laga cabsado goobaha laga saaray Alshabaab.

Mr. Solomon Wendegal ayaa sheegay in ammaanka goobaha ay ka saareen xarakada Alshabaab uu yahay mid la isku haleyn karo 100%, waxaana uu xusay in ammaanka goobahaasi uu lamid yahay magaaloyinka kuyaal Kenya gudaheeda.

Dowladda Kenya ayaa tan iyo intii ay kasoo tallaabtay xuduuda ay Soomaaliya la wadaagto waxa ay ku guuleysatay in ay gacanta ku dhigto deegaano dhowr ah oo katirsan gobollada Jubooyinka iyo Gedo iyadoona ay jirtay iskacaabin kulul oo ay kala kulmeen xoogaga Alshabaa, waxaana masuuliyiinta ciidamada Kenya ay sheegeen in ay xayireen roobab lixaad leh oo ka da’ay gobolladaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya