4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 15, 2011
Maamulka Al-shabaab ee Magaalada Kismaayo oo isugu Yeeray Qeybaha kala Duwan ee Ganacsatada Magaaladaas

Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Maamulka Xarakada Al-shabaab ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobbolka jubada hoose ayaa maanta isugu yeeray qeybaha kala duwan ee ganacsatada magaaladaasi, iyadoona ay masuulyiinta sar-sare ee maamulka Al-shabaab ee Kismaayo iyo ganacsatadu ay maanta kulamo ku leeyihiin xarunta maamulka degmada ee Kismaayo.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogayn sababta uu maamulka Kismaayo ganacsatada ugu yeeray ayaa hadana warar hor dhac ah oo aynu ka helayno magaalada Kismaayo waxa ay sheegayaan in ay kala hadli doonaan sidii ay ganacsatada taageero dheeraad ah ugu bixin lahaayeen dagaallada ay xarakada Al-shabaab kula jirto dowladda KMG, AMISOM iyo ciidamada Kenya ee ku sugan qeybo katirsan gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

Mida kamid ah ganacasatada Kismaayo oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso ayaa HOL u sheegay in aysan garaneyn ujeedada kulanka, balse waxa uu sheegay in looga yeeray xarunta Degmada ee magaalada Kismaayo.

Xarakada Alshabaab ayaa iyadu dagaal xooggan kula jirta Dowladda KMG iyo taageeryaasheeda,mana ahan markii ugu horeeysay oo ay xoogagga Alshabaab isugu yeeraan ganacsatada magaalada Kismayao, haseyeeshee maamulka Kismaayo ayaa aalaaba ganacsatada ugu baaqa in ay gacan ka geystaan dagaallada ay xoogaga Alshabaab kula jiraan dhinacyada kasoo horjeeda.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya