4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 15, 2011
Wafdi ka socda Dowladda Britain oo gaaray degmada Doolow ee Gobolka Gedo

Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Wafdi ka socda dawlada ingiriiska ayaa gaaray degmada dolow ee gobolka Gedo, iyadoo wafdigu la kulmay maamulka degmadaas oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha Cabdirashiid Janan waxayna kawada hadleen arrimaha gargaarka.

jonathan hangreves oo ah ninka hogaaminayey wafdiga oo isugu jiray safiirada u fadhiya dalka Britain dalalka Kenya iyo Ethiopia iyo hay'adaha deeqda bixiya ayaa sharaxaad ka bixiyey socdaalkooda iyagoo tilmaamay  in ay  u  yimaaden Doolow si ay u ogaadaan halka ay ku baxday lacagihii badnaa ee ay bixisay dawlada Britain ee Soomaaliya loogu deeqay.

Gudoomiyaha degmada ayaa uga mahadceliyey wafdiga iyo dawlada Ingiriiska gacantii ay ka gaysatay wax ka qabashada dhibaatadii dadka ku habsatay xiligii abaarta, waxaana uu sheegay in amniga deegaank uu yahay mid wanaagsan islamarkaana ay gacanta ku hayaan maamullka degmada
iyo ciidamada dowlada Soomaaliya.

Intaasi kadib aya wafdiga waxaa ay kormeer ku soo mareen xeryaha ay ku jiraan dadka barakacayaasha ah iyo xarumaha hay adaha samafalka ee ka hawlgala gobolka Gedo.

Wafdiga Doolow gaaray ayaa si nabad galyo ah, halkaas uga soo noqday taasi muujinaysa in xaalada ammaanka deegaanadaas ay tahay mid wanaagsan.

Warbixintan waxaa Doolow nooga soo diray
Maxamed Qani