4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 15, 2011
DAAWO SAWIRRO laga soo qaaday deegaannada Buur-Gaabo iyo Raas-kambooni ee Gobolka Jubbada Hoose


Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Ciidamada dalka Kenya ayaa waxay labadii maalmood ee ugu dambeeyay saxafiyiin ka socda hay'ado warbaahineed geynaysay deegaannada ay kaga sugan yihiin ciidamadooda iyo kuwa dowladda KMG ah koonfurta gobolka Jubbada hoose.

Suxufiyiinta ayaa waxaa la geeyay deegaanka Buur-gaabo iyo Raaskambooni halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya, si ay u soo arkaan xaaladda dadka ku nool.

Wariyeyaasha qaarkood ayaa sheegay inay xaaladda dadka ku nool tahay mid aad u dadan, sidoo kalena ay dhooban dhuxul fara badani dhooban tahay deegaanka Buur-gaabo taasoo ay nolosha dadka halkaas ku nool ku xiran tahay.

Haddaba; daawo sawirro laga soo qaaday deegaannada Buur-gaabo iyo Raas-kambooni oo ku yaalla Koonfurta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose oo ay gacanta ku hayso Al-shabaab.












Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya