4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 15, 2011
Carwo ganacsi caalami ah oo maalinta Sabtida ee soo socota laga furi doono Magaalada Hargeysa ee Somaliland

HERGEYSA2.jpg

Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Carwo Ganacsi balaadhan oo Caalami ah ayaa maalinta sabtida ee soo socota laga furi doonaa Somaliland, gaar ahaan magaaladda Hargeysa, sida ay shaaciyeen guddida qabanqaabadda carwadan.

Carwaddan ayaa la sheegay in lagu soo bandhigi doono ganacsiga kala duwan ee bariga afrika, kaas oo ay ka soo qaybgali doonaan ganacsato ka kala socota dalal kala duwan oo ku yaalla bariga afrika.

Guddoomiyaha guddidan qabanqaabadda oo maanta warbaahinta kula hadlayey hoolka loo diyaariyey in lagu soo bandhigo carwadda ayaa sheegay in bishan 17 ay si rasmiya u bilaabmayso bandhig ganacsiyeedkan caalamiga ah oo magaaladda Hargeysa ka dhici doonta " Carwaddu waxay noo furmaysa 17 bishan December, waxaana maalinta ugu horaysa lagu gali doonaa casuumad, wixii maalintaasi ka dambeeya cid walba way u furan tahay, waxaana iman doona shirkado farobadan, kuwaas oo alaabo badan oo xaraasha iibin doona, waxa kale oo lagu qaybin doono halkan hadyaddo aad u farobadan oo maalin kasta la siin doono kun shandadood oo ay ku kala jiraan, iyago mid walba ku soo bandhigi doono waxay ku shaqayso" ayuu yidhi guddoomiyaha guddida qabanqaabadda carwo ganacsiyeedkan Mr: Cali Maxamed Yuusuf.

HERGEYSA.jpg

Isagoo hadalka sii wata waxa uu yidhi " Runtii aad baan ugu faraxsanahay Hoolka weyn ee Mansor inoo suurtagaliyey in munaasibadan quruxda badan halkan ku qabsano oo awal hore dibadaha ayeynu ku qaban jirnay, balse maanta ay noo suuragashay in aynu dalkeena ku qabsoonto carwo caalami ah, imika Jabuuti maalinta jimcaha duulimaad khaas ah ayaa loo xidhay oo ay ku imanayaan oo dadkii Jabuuti ka imanayey ay ku iman doonaan" ayuu yidhi Cali

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Siciid Jaamac iyo Amal Maxamed Ismaaciil oo ka mid ah hawl-wadeenadda carwo ganacsiyeedkan Somaliland Business Fair, waxaanay xuseen inay xafladani socon doonto muddo shan cisho ah.

HERGEYSA3.jpg

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland