4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 15, 2011
Barakacayaasha ku jira kaamamka Muqdisho qaarkood oo sheegay inaysan muddo bil ah mucaawinooyin


Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Barakacayaasha ku jira kaamamka Muqdisho qaarkood ayaa waxay sheegeen in muddo bil ah aysan helin wax gargaar ah iyagoo sheegay inay lasoo gudboonaadeen culeysyo dhinaca nolosha ah.

Cabashada barakacayaasha ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo ra'iisul wasaare C/weli Gaas uu sheegay inaysan jirin macluul ka jirta kaamamka Muqdisho, sidoo kalena uu gargaar ku filan dalka Soomaaliya ayna si simman ugu qaybiyeen dadkii ay abaaruhu soo barakiciyeen.

"Muddo shan toddobaad ah wax gargaar ah oo aan helnay ma jirto, afartii bilood ee hore waxaan si joogto ah u heli jirnay gargaarka aan u baahannahay, balse ma ogin waxa sababay kala go'a," ayay tiri Nuuro Cabdi oo ah hooyo haysata lix caruur ah oo ku jirta kaamka Rajo oo ku yaalla degmada Wadajir ee Muqdisho.

Sidoo kale, hooyo iyaduna haysata lix caruur ah oo ka mid ah qoysaska ku nool kaamka Rajo ayaa waxay sheegtay inaysan haysan wax cunno ah bishan, iyadoo walaac ka muujisay isbedelka ku dhici kara xaaladooda nololeed maalamaha soo socda.

"Hay'adaha Turkigu waxay noo dhiseen guryo iyo musqulo, balse xaaladda cusub ee na haysata waxaa ka mid ah cunno la'aan iyo biyo la'aan, muddo bil ka badan wax gargaar ah oo aan helnay ma jirto," ayay tiri hooyadan oo magaceeda kusoo gaabisay Qadiijo Rooble.

Maamulka degmada Wadajir oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay inaysan gargaar helin qoysaska ku jira kaamka Rajo, iyagoo sheegay inaysan garanayn sababta keentay in gargaarkii la siin jiray uu kala go'o.

Hay'adaha gargaarka ayaa waxay u sheegeen inay wadaan qabanqaabo ay dib ugu celinayaan qoysaskii abaaraha kusoo barakacay deegaannadii ay ka yimaadeen si ay uga faa'iideystaan roobabka ka da'ay gobolladaas oo ay ka taliso Al-shabaab.

Cabashadan ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo kasoo yeerta dadka ku jira kaamamka ay dowladdu maamusho ee ku yaalla gobolka Banaadir, iyadoo ay ku sugan yihiin dalka hay'ado fara badan oo sheegay inay dalka u joogaan caawinta dadka dhibaateysan oo ay ka mid yihiin kuwa ka socda dalalka Turkiga iyo Iiraan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya