Dood-climiyeed ku saabsan Rajada Barakacayaasha oo Muqdisho lagu qabtay


Sabti, November 05, 2011 (HOL) — Dood cilmiyeed looga hadlayay Inta Nolol jirto inay rajo jirto ayaa maanta Hotelka Saxafi loogu qabtay barakacayaasha degmada Hodan ee Gobolka Banaadir oo ka mid ah degmooyinka ay ku dhaqan yihiin barakacayaasha.

Hey'adda Wada hadalka Bulshada CCD oo soo agaasintay Dood cilmiyeedkan ayaa waxaa ka qeyb galay, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Mas'uuliyiinta Maamulka Gobolka iyo kan degmada Hodan, Culumaa'udiinka Ahlusuna iyo Madaxda Hey'adda CCD.

Ugu horeyn waxaa Dood cilmiyeedka ka hadlay Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo uga mahad celiyay Kaalinta iyo dadaalka ay wado Hey'adda CCD, isagoo cadeeyay in Hey'addu ay shalay howsha ka bilowday meel aad u hooseysa, haatanse gaartay heer dadka codkooda kor u qaadi karaan, bedelkii shalay markii howlaha wacyi gelinta la bilaabayay ashuun ku adin la ahaa.

Xildhibaan Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in dhibaatada koowaad ee Soomaaliya ay tahay Shabaab, isagoo xusay inay dadka ka soo barakiciyeen deegaanadooda, una diideen inay si xor u shaqeystaan.

"Dhibaatada koowaad waa Al-Shabaab, anaga waxaa ogol nahay in dhulka Soomaaliyed uu xor ahaado Shabaab meesha ka baxo, arrinta maalmahan lagu kala aragti duwanaa ee ahaa Ciidamada Kenya, 20-kii sano dalka Soomaaliya siyaasad ku laheyd, waa ogtihiin Dowladda iyada lagu soo aas aasay, haatanse dalkeeda ayaa dhibaato laga geystay, oo dalxiiskii ay lacagaha ka heleysay ayaa laga carqaladeeyay"ayuu yiri Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo intaa ku daray in dhibaatada Shabaab ay gaartay meel walba.

Waxaa uu sheegay inay meesha ka baxday kala aragti duwanaanshihii la xiriiray soo gelitaanka Ciidamada Kenya, isagoo cadeeyay in heshiis ay kala saxiixdeen Labada Dowladdood, isla markaana haatan wixii ka dambeeya la iska kaashan doono la dagaalanka Shabaab.

Gudoomiyaha degmada Hodan Cabdi Maxamed Dhabaney ayaa amaanay doorka wacyi gelinta bulshada ee Hey'adda CCD ay siiso, isagoo sheegay in horay degmooyinka ay u qabatay siminaar iyo wacyi gelin, hadana ay soo dhoweynayaan in barakacayaasha degmada Hodan ay u qabtaan.

Cabdi Maxamed Dhabaney ayaa tilmaamay dhalinyarada la qalday ee la marin habaabiyay ay wax qaldeen u sheegeen kuwo diin laaweyaal ah, isagoo xusay in caruurta ay waalidkooda war ka maqlaan, waxaana uu ku baaqay in la iska kaashado sidii loo wacyi gelin lahaa dhalinyarada.

Gudoomiyaha Hey'adda Wada hadalka Bulshada ee CCD Ciise Axmed Cumar ayaa soo dhoweeyay dadaalka dheer ee ay Dowladda wado, kaasoo ay degmooyinka Gobolka Banaadir ku xoreyso, ugana gudubto deegaanada kale ee dalka.

Waxaa uu sheegay in dhibaatada hada ka jirta Soomaaliya ay gaartay meel ka baxsan wadanka, isagoo tusaale u soo qaatay wiilkii Soomaali Mareykanka ahaa ee is qarxiyay.

"Hada waxaa bilaabatay in waalidiintii wiilashadooda dhibaatada dalka kala cararay ee meel nabad la aaday in laga daba tago oo la soo marin habaabiyay, maantana waxaa timid in wiil yar oo nabadii uu heystay inta ka soo tago, halkan la dhaho janno ayaa galey ee isku qarxi, taas waxaa nalooga baahan yahay inaan ku dadaalno sidii aan uga hortagi laheyn"ayuu yiri Gudoomiye Ciise.

Gudoomiyaha ayaa balan qaaday inay sii wadi doonaan howlaha wacyi gelinta, si looga hortago falalka qarbudaada iyo mu'aamarada ay wadaan kooxaha nabad diidka, isagoo Gudoomiyuhu intaa ku daray in dhalinyarada la qalday ay ku dadaali doonaan sidii jidka saxan ugu soo celin lahaayeen, si naftiisa iyo tan shacabka ee loo soo adeegsaday aanu u haligin.

Afhayeenka Golaha Sare Culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jameeca Sheekh C/qaadir Soomow oo isna ka hadlay dood cilmiyeedka ayaa ku eedeeyay Eritrea inay fara gelin qaawan ku heyso Soomaaliya, isagoo tilmaamay inay cambaareynayaan Hubkii ay ka dejisay Baydhabo.

"Eritrea maanta inay dabka Soomaaliya sii shido, shacabka Soomaaliyed ka qeyb qaateen xurnimadooda waa wax aad u nasiib daro ah, waayo ma aheyn Hub noo keenaan, waxaa ka fileynay inay noo keenaan raashin iyo gaar gaar, caalamka waxaa u sheegeynaa inay baarto hubka ay ku soo wado Eritrea dalkeena"ayuu yiri Sheekh Soomow oo intaa ku daray in cid kasta oo Soomaaliya xabad ugu dhimato Eritrea Maxkamad lagu soo taago.



Gudoomiyaha Ahlusuna ee Gobolka Banaadir Sheekh Axmed Shuqul Sheekh Aadan Dheere ayaa sheegay in dadaalka CCD wado uu yahay mid waajib saaran inay ku gudato, isagoo tusaale ahaan u soo qaatay in Mabda'a Shabaab ay qaateen dad fara badan oo kumanaan kun gaaraya, waxaana uu tilmaamay in caalamka wax ka xun aanay horay u soo marin Nidaamkii Khameroj ee ka talinayay Cambodia, isagoo intaa raaciyay in Shabaab ay ka daran tahay.

Warsame Maxamed Joodax oo ah Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Ammaanka oo isna hadal ka jeediyay ayaa talaabo muhiim ku tilmaamay howsha isu keenida ay Hey'adda sameysay, iyo waxqabadka uu xambaarsan yahay inay tahay mid laga faa'ideysto, waxaana uu ugu baaqay in dhamaan shacabka ay ka shaqeeyaan sidii ammaanka looga shaqeyn lahaa, isla markaana danaha shacabla loogu faa'idi lahaa.

Ugu dambeyn ka qeyb galayaasha Dood cilmiyeedka oo loo qeybiyay lix su'aalood ayaa soo dhoweeyay in diirada la saaro dhinaca nabada iyo wacyi gelinta si looga hortago kooxaha dhibaatada ku haya dalka iyo dadka Soomaaliyed, waxaana ka qeyb galayaashii barnaamijkan oo ahaa barakacayaal ay muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin in muhiimada ay dadka barakacayaasha u siisay Hey'adda in codkooda ay dhiibtaan.