Khamiis, November 10, 2011 (HOL) — Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalim oo kamid ah xildhibaanada golaha Wakiilada ayaa sharci daro ku tilmaamo diiwaangelintii lalaaley, waxaanu sheegay in xeerka Diiwaangelintu aanu ogolayn in diwaangelin la’aan lagu galo.
Xildhibaan Cabdiraxaam Caalim ayaa kamid ah mudanayaasha ka soo horjeeday xeerka wax ka bedelka lagu sameeyey " Fikirkaas ah in Diiwaangelinta la laalo waxaan u arka mid aan qaban meesha, oo ujeedadiisu tahay in aan dalka doorashooyin ka dhicin," ayuu yidhi, isagoo hadalka sii watana waxa uu yidhi "dhab oo khaladaad wuu jira, laakiin maadaama oo doorashooyinkii hore lagu galay, dhaqaale badan uu inagaga baxay dhaqaalana aanan u haysan, dastuurka dalkuna jiheeyey in diiwaangelin lagu galo doorashooyinka, khaladadka jiri kara waa mid aan sixi karno" ayuu yidhi Caalim.
Xildhibaan Caalam waxa uu xusay inay qasabtahay in doorasho dhaco, isla markaana xeerku tilmaamay in lagu galo doorashooyinka Somaliland "Doorashooyinkii inay dhacaan waa qasab, in diiwaangalin lagu galaana waa dastuuri, ee ma khaladaadka in la saxo mise in la yidhaahdo xeerkii ha la laalo, diwaangelintiina ha la laalo, waxay ku leeyihiin xeerkii maanu laalin ee hawshii diiwaangelinta ayaanu laalnay, marka anigu waxaan arrintaasi u arkaa in gaf dastuuriya oo khalad ah oo cadaan ah inuu yahay," ayuu yidhi
Xildhibaan Maxamed faarax Qabilo ayaa isna sharci daro ku tilmaamay laalista lagu sameeyey xeerkii Diwaangelinta, isagoo xusay qodobo dastoorka ka mid ah oo lagu xadgudbay.
Laalista Diiwaangelintan ayaa ah mid ay ku kala aragti duwan yihiin mudanayaasha golaha Wakiiladda waxaana dhinacooga ka waydiiyey mudanayaasha ogol laalista xeerkan.
Xildhibaan Maxamed Jaamac waxa uu ka mid ah mudanayaasha Wakiilada ee ogol in la laalo Diiwaangelinta, waxaanu difaacay ansixinta wax ka bedelka Xeerka diiwaan-gelinta, waxaanu yidhi. "Diiwaangelintii hore waxa ku jiray khaladaad badan oo xiitaa waxa sheegay bulshadii caalamka ee qabatay oo warbixin dheer ka soo saartay in diiwangelintaasi khaldantay"
Xildhibaanku waxa uu sheegay in khatar dalka galin gaadhay diiwaangelintaasi hore. "Isku duubni ayeynu kaga gudubnay iyo dadkeena oo nabadii ilaaliyey laakiin waxay ahayd arrin khatar weyn leh oo ilaahay inaga soo gudbiyey "
Mar kale isagoo sharaxay siday wax u bedeleen waxa uu yidhi. "Xeerkii maanu laalin ee waxaanu laalnay hawshii Diiwaangelinta, waxaanu ku bedelnay in maanta aanan iska bixin karayn kharashka Diiwaangelin cusub, hay’adaha caalamiga aanay naga bixin karin in diiwaangelin la’aan lagu galo doorashooyinka deegaanka"ayuu yidhi
"Golaha Wakiilada in lagu galo doorashooyinka diiwaangelin ayaanu nidhi sababta aanu sidaas u nidhi waxay tahay maxkamada dastooriga ah ayaa go’aan soo saartay tidhi doorashada wakiilada waxa ugu dambaysay diiwaangelin la’aan tii aanu imika ka soo baxnay, wixii ka dambaysa waa in diiwaangelin lagu galaa, iyadana waxanu jiheenay in ka hor la qabto diiwaangelintii"ayuu yidhi Md: Jaamac oo ka mid ah mudayaasha taageersan wax ka bedelka Xeerka Diiwaangelinta
Dhanka kale, saddexda xisbi Qaran ayaa aragti kala duwan ku waajahan laalista Diiwaangelinta, xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE ayaa isagu dhaliilay laalista Diiwaangelinta, waxa isaguna aragtidaas oo kale qaba xisbiga UCID oo cambaareeyey qaabka loo laalay Diiwaangelinta, halka xisbiga UDUB uu taageeray laalista Diiwaangelinta.
Si kastaba ahaa ahaatee, talaabadan ay ku kaceen golaha Wakiilada ayaa dood adag ka dhalisay masraxa siyaasadeed ee Somaliland, taas oo keentay in si weyn loogu kala aragti duwanaado.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland